berberatoday.com
Qaramada Midoobay Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dil Iyo Kufsi Ka Dhacay Koofurta Suudan
March 12, 2016 - Written by Berbera Today

Juba(Berberaoda.com)-Qaramada Midoobay ayaa ka soo saartay warbixin dheer xadgudubyo ka dhacay dalka Koofurta Sudan iyadoo warbixinta lagu sheegay in dagaalyahanada loo fasaxay inay kufsadaan haweenka taasna ay u noqoto mushaarkooda.

0A3531EE-B436-4D3C-BE5E-2C7464DE43FD_w640_r1_s_cx0_cy2_cw0

Warbixintan ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu qoray in carruur iyo dad curyaan ah nolosha lagu gubay, maleeshiyaadka taabacsan dowladana waxaa loo fasaxay in ay kufsdaan haweenka meeshii mushaar laga siin lahaa Koofurta Sudan.

Baaritaano laga sameeyey Koofurta Suudaan ayaa Qaramada Midoobay waxa ay ku sheegtay in dhinacyada ku dagaalamaya ay dadka rayidka ah ay dilaan sidoo kalana kufsi kula kacaan haweenka, hase yeeshee warbixinta ayaa si gaar ah ugu eedeysay ciidamada dowlada Koofurta Sudan iyo dagaalyahanada taabacsan inay yihiin kuwa ugu badan ee falalkan ku kacay.

Inkabadan 1300 oo kufsi ah ayaa laga diiwaangeliyay gobolo kamid ah wadanka Koofurta Sudan shantii bilood ee ugu dambeysay sanadkii hore ayaa warbixinta lagu sheegay.

Haweeney ayaa u sheegtay baarayaasha Qaramada Midoobay in shan askari ay ku hor kufsadeen carruurteeda magaalada ay degeneyd, kadibna ciidamo kale ay kufsadeen meel keyn ah.

Hase yeeshee, afhayeen u hadlay Madaxweynaha Koofurta Sudan Ateny Wek Ateny ayaa beeniyay eedeymaha ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay dowladiisa.

 

 

Source VOA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews