berberatoday.com
Wafti Ballaadhan Oo Uu Hoggaamiyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen Oo Soo Dhoweyn Dhul-gariir Ah Kala Kulmay Gobolka Gabilay
March 12, 2016 - Written by Berbera Today
Click for OptionsGabiley(Berberattoday.com)-Musharraxa Xilka Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo wafti ballaadhan uu korkacayo, ayaa soo dhoweyn ballaadhan oo aan hore loo arag kala kulmay Xarunta Gobolka Gabilay. Kumanaan kamid ah, dadweynaha ku dhaqan caasimada Gabilay, ayaa kaantaroolka magaalada kaga horyimi Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid iyo waftiga uu hoggaaminayo.

Waftiga ayaa markii ay gaadheen gudaha magaaladda, waxa ay halkaa kala kulmeen soo dhoweyn aan nooceeda weli la arag, iyadoo dadweynuhuu saf-saf u taagnaayeen Wadooyinka waaweyn ee halbowlaha ah hareeraheeda. Sidoo kalena, dadweynaha ayaa socod lug ah Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen kusoo wareejiyey shaaracyadda magaaladda, waxana ay intii ay luggeynaayeen, taageerayaasha Musharraxa Jamaal ayaa qadar saacado ah, kor-dhulka uga qaaday. Taageerayaashan baaxadda lahaa ee sida ballaadhan usoo dhoweeyey Musharaxa Xilka madaxweyne ee Xisbiga Ucid, ayaa ku dhawaaqaayey ereyo ay ku dheehnayd taageero, duco iyo dardaaran ay kaga dareen celinayaan sida niyadda ah ee ay u taageersan yihiin.

Socod dheer kaddib Musharrax Jamaal Cali xuseen iyo xubnaha waftiga waxa ay dadweynaha caasimadda Gabilay kala hadleen hutel Askar, iyagoo si weyn dadweynaha ugu booriyey inay qaatan kaadhka diiwaangelinta, sidoo kale, waxa ay si qoto-dheer uga waraameen ahmiyadda uu leeyahay Kaadhka Cod bixinta oo la qaata. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Gabilay Ibraahin Xasan(Ibraahin Sangab) ayaa ugu horreyn ka waraamay ujeedada waftiga, waxanu yidhi. “..waa Ilahay mahadii, maanta waxa inala jooga Madaxweynuhuu Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen, farrinta keliya ee uu dirayaa ee ay waftigu sidaan waa inay dadweynaha Gabilay isdiiwaangeliyaan si ay hadhow Codkooda ay xaqa u leeyihiin u dhiibtaan”.

Geestka kale, Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa isna dadweynaha Gobolka Gabilay uga mahad-celiyey sida ballaadhan ee ay usoo dhoweeyen, waxanu yidhi. ”..Maanta waa maalin qiimo leh, oo taarikhda baal dahab ah ayey kaga jiri doontaa, aniga Jamaal ahaan meel gaar ahna way iigu qoran tahay, qofka isdiiwaangeliya ayuunbaa hadhow Codkiisa dhiiban doona, sidaas daraadeed waa muhiim hadii aynu doonayno in Dalkan Mustaqbal gaadhsiino, walaalayaal waxa aan idinkula dardaarmayaa inaad isdiiwaangelisaan, aniguna waxa aan idiinka mahad-celinayaa sida ballaadhan ee aad isoo dhoweyseen, waana magaaladeydii, waa meel aan jecelay, waana meeshii suuro-gelisay inuu Xisbiga Ucid soo baxo oo Xisbiyadda qaranka kamid noqdo”. Ayuu yidhi Md. Jamaal Cali Xuseen, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu intaa ku daray. “reer Gabilayoow Fartiina, Codkiina ayuu sharka iyo Khayrkuba ku jira, waxa aynu dooneynaa inuu jiil cusub iyo dhiig cusub dalka ku shubno, dhalinyor cusub keeno, waa ayaan darro inay 20-tan sanno iyo in ka badan ay ina hor-joogan siyaasin kooto inagu haysta, waxanan leeyahay reer Gabilay, anigu waxa aan u aqoona Ohayo, dee marka ayey tiradeeni isdhiminee ka kacaya hurdada oo isdiiwaangeliya”.

Waxa kaloo uu aakhirkii Musharrax Jamaal Cali Xuseen Eebbe iga baryey inuu raxmaadkiisa inoo shubbo, iyadoo uu khaasna ugu duceeyey dadweynaha aabaruhu saameeyen ee gobollada galbeed iyo sidoo kale, Gabilay. “Ilahay, waxa aan ka baryaya inuu Raxmaad khayr qaba inoo shubbo, oo mid caano da”aya ah ina siiyo, gabilay iyo meelo kaloo badan oo abaara saameeyen Ilahay ayaa inaga dulqaadi karee, alle ha inaga dulqaado”.

 

Click for Options

 

 

Berberaoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews