berberatoday.com
Xisbiga Waddani Oo Saddex Kun Oo Dollar Ku Wareejiyay Guddida Dhismada Waddada Isku Xidha Berbera Iyo Raari-Buul
March 13, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayso xoghayaha xidhiidhka arrimaha bulshada Marso Hinda Jaamac Gaani, iyo mas’uuliyiin kale, ayaa saaka si wada jir ah deeq lacag ah oo dhan 3000 oo dollar ku wareejiyey guddoomiyaha guddida dhismaha jidka isku xidhaaya Berbera illaa Raari-Buul Marwo Hinda Maxamed Jaamac,ka dib markii uu guddoomiye Cirro iyo wefti uu hoggaaminaya oo sodaal ku maraaye deegaanada Bariga Somaliland in uu bixin dhaqaale ay kaga qeyb-qaadanayaan dhismaha jidkan.

Kulan kooban oo lagu wareejinaayey lacagta dhismaha jidka isku xidhaaya Berbera illaa Raari Buul, oo ka dhacay hotel Maansoor ee Berbera, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guddida dhismaha jidkaasi.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahya in maanta ay dhaqaalahii ay hore ugu yabooheen ay soo gaadhsiiyaan guddida dhismaha jidkan, waxaana uu tilmaamay in xisbiga WADDANI uu dhiiri-gelinaayo wax-wada qabsashada iyo sida oo kale in laga qeyb-qaato dhammaanba barnaamijyada khayriga ah ee dalka oo ay waddooyinku ugu horreeyaan.

“Waa noo farxad in aanu maanta deeqdan lacagta ah soo gaadhsiino guddida dhismaha jidka isku xidhaaya Berbera illaa Raari-Buul, lacagtan oo dhan 3000 oo dollar oo aanu hore ugu baaqnay in aanu kaga qeyb-qaadanayno dhismaha jidkaasi farxad ayey maanta noo tahay, waana aanu ku wareejinay, xisbiga WADDANI-na waxa uu mar walba dhiiri-gelinayaa in laga qeyb-qaato dhammaanba barnaamijyada khayriga ah ee dalka, oo ay waddooyinku ugu horreeyaan si isku socodka jidku uu u noqdo mid ka qeyb-qaata una sahla horumarka shacabka deegaanada Somaliland.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Xoghaya arrimaha Bulshada xisbiga WADDANI Marwo Hinda Jaamac Gaani iyo sida oo kale xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI oo iyaguna halkaas ka hadashay, ayaa sheegay in ay farxadweyn u tahay in ay ka dhabbeeyeen ballan-qaadkii ay u qaadeen deegaanada bariga Berbera, waxaana ay tilmaantay in ay mar walba diyaar u yihiin in ay sidan oo kale ay uga qeyb-qaataan barnaamijyada horumarinta ah ee dalka.

Guddoomiyaha guddida dhismaha jidka isku xidhaaya Berbera illaa Raari-Buul oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in ay si weyn uga mahad-celinayso dhaqaalaha xisbiga WADDANI uu ugu deeqay dhismaha jidka wadadaasi, waxaana ay sheegtay in ay mar walba ka rajaynayaan in xisbiga WADDANI uu horumaro ballaadhan ka geysan doono deegaanadaasi maadaama isaga oo mucaarad ah uu hada ka qeyb-qaadanayo horumarkiisa.

“Waanu idiin ka mahad-celinaynaa 3000 ee dollar ee aad nooggu deeq deen, waanu idin xasuusan doonaa, idin illaabi maynana weligiin, waayo waxa aad na barbar istaagteen idinka oo mucaarad ah, waxaana hubaal ah in marka aad ku guulaysataan talada dalka aad qeyb-laxaadle ka geysan doontaan horumarka deegaanadan, sidaas aad wax bixinta deegaanadan ugu soo dhiirateena, waa hubaal in idinkana aanan anaguna idin illaabi doonin, idin barbar istaagi doonana maadama aad noqoteen ciddii ugu horreysay eek u soo dhiirata dhisadda jidkan.”.Hinda Maxamed Jaamac.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews