berberatoday.com
Is Diwaan Gelintu Waxay Muhiim u Tahay Mustaqbalkaaga Bulshayahay !
March 14, 2016 - Written by Berbera Today

Aniga oo ah Eng: Saleebaan Siciid Cumar Ducaale kana mid ah musharaxiinta ka qayb gelin doonta doorashada golaha wakiiladda ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 2017-ka ,waxaan si sharaf iyo qadarin leh ugu baaqayaa dhamaan bulsho weynta reer somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan Shacabka ku dhaqan gobolka SAAXIL,oo aan leeyahay qaadashada kaadhka is diwaangelinta codbixiyayaashu waa muhiim waana kana ad ku kala dooran doontaan madaxweynaha mustaqbalka iyo xildhibaanada golaha wakiiladda ,kuwaasi oo labaduba muhiim ay u yihiin horumarka dalka,hadaba waxaa igu kalifay in aan maqaalkan aan qoro aniga oo dareensan in shacabka gobolka saaxil u baahan yihiin wacyi-gelin badan oo ku saabsan sidii ay dhamaan isku diwaan gelin lahaayeen,waxaad la sooctaan in diwaan gelintii hore dalka uga dhacday aysan shacabka reer SAAXIL si wacan isku diwaan gelin taasina ay keentay in tirade gobolka laga bato,hadaba si aysan arintii hore oo kale u dhicin waxa muhiim ah in guntida dheesha la iskaga dhigo sidii wakhti ku filan iyo wacyi gelin badan loo siin lahaa bulshada gobolka SAAXIL inta ay socoto diwaan gelintii Gobolka ka bilaaban tahay 11/3/2016-kii sidoo kale waxaan komishanka doorashooyinka ka codsanayaan inay si hagar la’aan ah uga shaqeeyaan sidii diwaangelinta gobolku u noqon lahayn mid guulaysata,waa in komishanku kormeer joogta ah ku sameeyaa dhamaan goobaha ay ka socoto is diwaangelintu.
Sidoo kale waxaan baaq u dirayaa dhamaan Salaadiinta, Siyaasiyiinta,Aqoonyahaynka,Dhalinyarada,Ganasatada iyo dhaaman wax garadka gobolka SAAXIL inay ka qayb qaataan wacyi-gelinta iyo hawlaha diwaan gelinta,taasi oo mustaqbalka GOBOLKA SAAXIL ay sare ugu qaadayso horumarkiisa iyo aayihiisa gobolnimo,waxaa ceeb ah in ay dhacdo in degmo gobol ka tirsani inay ka cod badato gobolka ugu dhaqaalaha badan Somaliland ee SAAXIL ,waana in arintaasi si aysan u dhicin dadweynaha gobolka SAAXIL si wanaagsan isku diwaangeliyaan,waxan kale oo ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay si habsami leh uga qayb qaadato hawsha diwaan gelinta oo ay xil weyn iska saartaa sidii ay diwaangelinta Gobolka SAAXIL ay u najixi lahayd.
Qalinkii: Musharax Eng: Saleebaan Siciid Cumar
Tel:0634042146
Email: Ducale550@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews