berberatoday.com
Qarax ka dhacay caasimada Turkiga Ankara,Khasaaraha Dhimasho & Dhaawaca+ Video+Sawirro
March 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Ankara-(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay, 75 kalena way ku dhaawacmeen qarax xooggan oo ka dhacay caasimada dalka Turkiga ee Ankara, kadib markii gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala eegtay gaadhi bus ah oo dad shacaba siday.

Qaraxaan ayaa ka dhacay badhtamaha goobo lagu magacaabo Kızılay’s Güvenpark oo basaska laga raaco, waxaana qaraxu  burburiyay dhawr bas oo halkaasi tagnaa  iyo gawaadhi kale.

 

Warbaahinta Turkiga ayaa baahinaya khasaaraha uu qaraxaan geysatay oo ah mid aad u xooggan, inkastoo suuragal tahay in dhimashada ka badado 28 qof.

 

dhinaca kalena Saraakiil ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli basas ay leeyihiin milateriga dalkaasi ay istaageen samaafaraha ama nalka taraafikada meel u dhaw baarlamanka iyo xarunta dhexe ee milateriga dalkaasi.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo baajiyay safar uu ku tegi lahaa dibadda ayaa waxa uu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeedhay fulayaasha qaada weerrarada noocan oo kale ah iyo cidda ka dambeysaba.

Dowladda  Turkiga ayaa waxa ay durbadiiba farta ku fiiqday kooxda la mamnuucay ee dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka Kurdiyiinta ee PKK.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xulafada NATO ay ka garab taagan yihiin Turkiga dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Ciidammada Turkiga ayaa dhawaan waxa ay xoojiyeen weerrarada ay ku hayaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya, kuwaasi oo ay Turkidu leedahay waxa ay ku xidhan yihiin ururka PK

qarax-ankara-1qarax-ankara-2qarax-ankara-3qarax-ankara-4qarax-ankara-5qarax-ankara-6qarax-ankara-7qarax-ankara-8Halkan ka daawo:

qarax-ankara
Dowladda Turkiga ayaa waxay dagaal xoogan kula jirtaa mindidiinta Dawladda Islaamiga ee ISIS iyo kooxaha mucaaradka ee PKK iyo YPG.Bishii Febraayo ayaa qarax midkan la mid ah wuxuu ka dhacay magaalada Ankara, kaasoo lagu dilay ku dhawaad Soddon qof iyo dad ka badan oo ku dhaawacmay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews