berberatoday.com
Dawladaha Somaliland Iyo Jabuuti Oo Xidhiidh Ka Sameeyay Khasaarihii Dhimashadda Iyo Dhaawaca Sababay Ee Dhexmaray Ciidamada Badda
March 15, 2016 - Written by Berbera Today

Saylac(Berberatoday.com)-Hal askari ayaa geeriyooday, laba qof oo midkood askari yahayna waxa soo gaadhay dhaawac kadib markii ay isku dhaceen ciidamada badda ee Jabuuti iyo Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay ka soo gudbeen xadka biyaha u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, kadibna ay rasaas ku fureen markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay badda Somaliland. Isla markaana ay rasaas ku fureen, markabkan oo ay saarnayeen laba askari oo ka tirsan ciidamadda Somaliland, ayaa rasaastii ay ciidamadda jabuuti ku ridaan waxa dhaawac ka soo gaadhay laba askari iyo kabtankii markabka, kaasoo askarta mid ka mid ahi u geeriyooday dhaawicii soo gaadhay, waxaanu gudoomiyuhu sheegay in aanu garanayn sababta keentay weerarkan, balse wuxuu sheegay in ay labadda dawladdood ka xidhiidheen arrintaasi, isla markaana wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha guduhu Cali Maxamed Waran Cadde ay wadahadal la galayaan dawladda jabuuti oo la filayo inuu ka dhaco magaalo xuduudeeda Lawyocado, kabtanka dhaawacmay ayuu gudoomiyuhu sheegay inuu ka soo jeedo dalka Masar.

Is-rasaasayntan oo saacado badan soconaysay ayaa laga maqlayay magaaladda Saylac qaybaheeda kala duwan, maadaama meesha lagu dagaalamay ka fogayn magaaladda.

Isku dhacan ayaa ka bilaabmay markab shisheey oo kalluumaysi u joogay xeebaha Saylac, kaasoo la sheegay in Somaliland siisay ogolaanshaha kalluumaysigga, waxaana la sheegay inay markabka saarnayeen xubno ka mid ah, kadibna ciidamadda Jabuuti baa isku dayay inay markabkaas kaxaystaan, halkaas oo isku dhaco ka bilaabmay.

Waa markii ugu horaysay ee isku dhac noocan oo kale ahi ka dhex dhasho ciidamda amaanka badda ee labadan dal ee deriska mana jirto cid ka tirsan labada xukuumadood oo ka hadashay dagaalkan labada dal badda ku dhexmaray.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews