berberatoday.com
Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Jawaabay Sababihii Uu Umucaaradi jiray CIGAAL & RAYAALE, ugana Aamusan yahay Xukuumadda Siilaanyo
March 15, 2016 - Written by Berbera Today

“Anigu Nina kama Gar-darnaado, laakiin Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waanu baratannay oo wuu iga dheereeyay oo wuu iga adkaaday..” Saleebaan Maxamuud AadanRaqaya TiimHargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyada Colaadeed ee Kooxda Cali Khaliif Galaydh ka waddo deegaannada Sool iyo Buuhoodle iyo faro-gelinta Puntland ku hayso Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland, waxaanu ugu baaqay in la kala Nabad-gelo.

Warka labaadGuddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inaan Somaliland Xilligan u baahnayn in Ummadda Walaalaha ah la isku dhufto oo Colaad laga dhex huriyo, sidaa daraadeedna Nabadda laga wada shaqeeyo.

“Puntland ha ahaato ama Cali Khaliif ha ahaado, waxaanu leenahay waar aynu kala Nabad helno, Waayo? Bulsho la isku dhufto uma baahnin ee aynu kala Nabad helno, intaas ayaanu ka codsanaynaa iyaga.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo War-fidiyeennadu waydiiyeen Sababaha uu iska dhowro eedaymaha Xukuumadda Siilaanyo, maaddaama oo la xasuusan yahay inuu Mucaarad ku ahaa Xukuumadihii Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu isagoo arrintaasi ka jawaabaya uu tilmaamay in Sababtii uu Mucaaradka ugu ahaa Dawladdii Cigaal ahayd in Cigaal oo ay tartameen uu ka adkaaday, sidaa daraadeedna uu xaq u lahaa inuu Mucaarado, “Anigu Dawladna kama Gar-darnaado, Dawladdii ugu horeysayna dee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waanu baratannay oo wuu iga dheereeyay oo wuu iga adkaaday, markaa taasi xaq aan lahaa bay ahayd, ma hadal bay leedahayba, kii Dambana (Rayaale) Anigu Nina kuma Gar-daroodo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Anigu Nina kuma Gar-daroodo, kii ugu Gar-daroodana waar aynu is-deynno ayaan ku idhaahdaa oo waan iska waabiyaa. Markaa tan (Xukuumadda Siilaanyo) wax igu Gar-daroodo ma arkee, ma Hadda ayaad aragtaan wax igu soo socda.?”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews