berberatoday.com
Lacagta Shilin Somaliland Kuma Qaadanno.”!!! Qalinka Mawliid Cali-dhure
March 15, 2016 - Written by Berbera Today

Saacaddu waa afartii iyo laba iyo konton mirir(04:52AM), waa xilli waxyar ka horraysa EEDAANKA salaadda subax ee xilliga Hargeysa. Waxaa igu soo dhacay telefoonka laakiin, hurdo iga tan badan oo I haysay darteed ma qaban, umana fiirsan cidda I soo wacday. Inta aan codka ka jaray ayaan halkiisii iska dhigay telefoonkii, markii uu dhicis dhammaystay ayaa haddana la igu soo celiyay oo telefoonku bilaabay dhawaaqiisa.

Haddiiba uu mar labaad igu soo dhacay ayaan telefoonka eegay mise waaba mid ka mid ah ehelkayga oo aanan hore uga baran in xilligan aanu telefoon ka wada hadalno, wax hawl ahna aanan isku ogayn.

Su’aalo badan aya isla ilbidhiqsi maskaxda ku soo dhacay, ugu dambeyna intaan bisinka u qabtay oo aan idhi “Allow Khayr ka yeel,” ayaan telefoonkii qabtay.

Haseyeeshee markii aan telefoonka qabtay oo aan halow idhi, waxaa igaga soo baxay arrin ka bedelen waxyaabihii maskaxdayda ku soo dhacay oo dhan, waxaanu qofkii hadal degdeg iyo boob-siis ah ku bilaabay “Mawliid, waxaan joogaa meel Dhakhtar ah, Saf(Kuyuu) ayaan ku jiraa, waxaan sitay lacag KAASH AH(Shilin Somaliland) oo waxay igu yidhaahdeen ma qaadanno, Tigidhkiina waa la ii goyn waayay ee labaatan doolar($20) oo Zaad ah degdeg iigu soo dir, ii dhakhso,” ayay hadalka ku dhammaysay iyadoo malahayga ka walwalsan in kuyuuga la dhaafiyo markay lacagta hore u bixin waydo.

Wakhti iguma qaadan inaan Lacag Zaad ah u dira oo waaba ilbidiqsiyo intaan dirayay, balse waxaa maskaxdayda ka sii guuxayay, Dhakhtar Hargeysa ku yaalla oo diiday inuu lacagta Somaliland qaato.

haddiiba uu sharci ka dhigtay inuu lacag doolar ah qaato, waxaa iga sii yaabiyay arxan darrada arrintan ka muuqata oo ah in qof bukaan ah oo xilli habeennimo socda oon lahayn lacagta badh iga daa ama way iga dhiman tahay daruuri lagaga dhigo inuu lacag doolar ah bixiyo, islamarkaana qofka xilligaasi muddo kuyuuga ku jiray ay suuro gal tahay  inuu meel dheer uga soo guuro galay, sidoo kale meherad furan oo lacag sarriftaa aanay jirin, ku darso oo xilligaas habeenka ah aanay dad badan suuro gal u ahayn inay telefoon ku helaan lacag sidaas u degdeg badan, haddana lacag qabtuhu aanu xisaabta ku darsan duruufahaas suuro galka ah.

Inay lacagta Doolarka ahi ka sharaf badatay lacagta Somaliland waa mid la wada dareensan yahay gudaha Somaliland. Dadaallo badan oo xukumaddu samaysay, kuna talisay in dadku wax ku iibiyaan, adeegyada lagu qabto lacagta Somaliland, islamarkaana la dhiiri galiyo Shilinku ilaa hadda waa kuwo noqday hal bacaad lagu lisay oo aan cidna ka dabatagin. hase ahaatee in diirka naxa iyo damiirku bulshada shaqeeyo oo wakhtiyada ay ka fursan waydo dadka loo sameeyo fursado qofka lacagta kaashka ah lagaga qaban karo ayaa munaasib ah ama habboon.

Dadka waxaa kala hagta dawladda, balse haddii la isku sii daayo cid waliba wixii danteeda ah ayay maroorsanaysaa.

 

Qalinkii:-Mawliid Cali-dhure

Mawliid2014@gmail.com

Hargeysa-Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews