berberatoday.com
Sucuudiga Iyo Dawlada xamar Oo Kala Saxeexday Heshiis Gaadiidka Cirk Oo Labada Dhinacba Usaamaxaya Isticmaalka Hawada Somaliland
March 15, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com) – Boqortooyada Sucuudiga iyo dawladda maqaar saarka ah ee Xamar ayaa todobaadkan magaalada Jeddeh ku kala saxeexday heshiisyo hordhac ah oo labadooda dal u saamaxaya inay isticmaali karaan hawada Somaliland oo ah dal sadexaad oo madaxbanaan.

Heshiiskan oo nidaaminaya qaabka uu gaadiidka cirku ugu kala gooshi doono labada dal ayaa waxa labada dhinac u kala saxeexay Agaasimaha Hayadda Duulista iyo Hawada ee Somalia Cabdul-waaxid Axmed iyo Ku-xigeenka Gudoomiyaha Hayadda Duulista ee Sucuudiga u qaabilsan arimaha amniga(security) iyo nabadgelyada(safety) Cabdulxakiim Al-bader.

 

Heshiisyadan oo aanay xukuumadda Somaliland ka muujinin wax diidmo ah ayaa waxa lagu kala saxeexday xafiiska Gudoomiyaha Hayadda Duulista iyo Hawada ee Sucuudiga Sulaymaan Cabdalla Al-xamdaan iyadoo uu goobjoog ka ahaa wasiirka Gaadiidka Cirka ee dawladda Xamar Cali Axmed Jaamac Jangali.Qodobada ay labada dhinac isla garteen waxa ka mid ah inay diyaaradaha rakaabka ee laga leeyahay ama u kiraysan (charter) labada dal ay todobaadkiiba sameeyaan 4 duulimaad (flights) oo sii-socod iyo soo-socod ah iyo 7 duulimaad oo diyaaradaha xamuulka ah(cargo).

Waxay aheyd dabayaaqadii todobaadkii hore markii  diblomaasi Sucuudi ah oo booqasho ku joogay caasimadda Somaliland ee Hargeysa uu isagoo ka mahadcelinaya sida diiran ee ay xukuumadda Somaliland u soo dhaweysay uu madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo markaas barbar taagnaa ku tilmaamay madaxweyne-ku-xigeen gobol taasoo aanay madaxtooyada Somaliland ka bixinin wax jawaaboo cabasho iyo diidmo midkoodna ah.

Mudadii ay xukuumadda madaxweyne Siiraanyo talada dalka haysay,oo haatan lix sanadood ku dhawaad ah,ayaa waxa loo tiriyaa madmadaw iyo daacad-darro farabadan oo ay ka gashay madaxbanaanida iyo qaranimada Jumhuuriyadda Somaliland ee gooni-isu-taageedii la soo noqotay 18-kii May 1991.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews