berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Maamulka Putland Oo Dawalada Xamar Ku Eedeyay Inay Ka Danbayso Kooxaha Alshabaab Ee Qabsaday Xeebta Deegaanka Garacad Ee Putland
March 16, 2016 - Written by Berbera Today

Garowe(Berberatoday.com)-Kulan saxaafadu dibad jooga ka ahayd oo maanta ka qabsoomay magalada Garowe ayaa looga hadlay xaaladda Puntland iyo qaabka loo wajahayo arrimaha kasoo cusboonaaday xeebaha Puntland.

Shirkan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada, waxaa shir gudoominayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo weheliyaan xubno katirsan golaha xukuumadda iyadoo lagu falanqeeyay arrinta ciidamada katirsan Shabaab ee soo gaaray gobollada Mudug iyo Nugal gaar ahaan deegaanada xeebaha dhaca.

Garcad

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab isagoo saxaafadda u faah-faahiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay, wuxuuna si gaar ah uga hadlay xaaladda deegaanka Garacad oo ilaa shalay ku jirtay gacan mallayshiyaad katisan Shabaab.

Qarjab, ayaa xusay inay dowladdu ka warhayso dhaq-dhaqaaqyada socda, isagoo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ku eedeeyay dowladda Federalka Somalia oo uu sheegay inay wato carqalad xooggan kadib markii Puntland ka hortimi nidaamka 4.5 oo DFS horboodayso.

Qarjab, ayaa arrintaasi ku sifeeyay inay la macno tahay qaabkii loo soo noolayn lahaa bur-bur labaad oo soo wajaha dalka Somalia, wuxuuna intaasi raaciyay in Puntland ka go’antahay qaabkii deegaamadeeda u difaacan lahayd.

Wasiirka oo ka hadlay kabixinta Shabaab ee deeegaanka Garacad ayaa ku sifeeyay baqdin, wuxuuna ku goodiyay in dhawaan la arki doono tallaabada dowladdu ka qaado kooxahaasi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews