berberatoday.com
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Xabsiga Burco Utaxaabay Wariye Yasin Balbalaadhshe Iyo Cabdiwali Idaacada Wareegta Ee Burco
March 17, 2016 - Written by Berbera Today

burcoBurco(Berberatoday.com)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa xabsiga magaalada Burco shalay subaxnimadii utaxaabay Wariye Yaasin Xasan Cali(Yasin Balbalaadhshe) oo ah Wariye kamida bahda saxaafada Gobolka Togdheer kuna shaqaysta samaynta filimada iyo riwaayadaha waxa kaloo isna la xidhan Cabdiwali Awdiiriye Guuleed oo lagu naanayso Idaacada Wareegta ee Burco islamarkaana ku shaqaysta xirfada Suxufinimo ee Baahinta Wararka Iyo xayaysiisyada isaga oo adeegsada Mikirifoon sameecad leh oo isagu ka hadlo kula dhex wareego magaalada Burco.

Labadan Wariye ayaa waxa xadhigooda amray sida ay noo sheegeen qoysaskoodu Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo maalmihii udanbeeyay Burco kusugnaa, waxaana xadhigooda lala xidhiidhiyay sawir iyo muuqaal Video ah oo laga soo qaaday marxuumkii maalintii doraad 14kii bishan sadexaad dablayda hubaysani ku toogatay badhtamaha magaalada Burco muuqaalkaas oo lagu baahiyay baraha bulshadu ku kulanto ayaa loo haystaa sida ay wararka aanu xadhigooda ka helaya sheegayaan.

Waxaana ehelada labadan wariye sheegeen in aan ilaa hada waxba la weydiin labada wariye ee ay iskaga xidhan yihiin Saldhiga dhexe ee magaalada Burco.

sawirkaas iyo muuqaalka labada nin loo haysto ayaan sharciyan danbi ahayn sababtoo ah sawirka ay baahiyeen hadiiba uu jiro waa dhacdo dhab ah oo dhacday wax danbiya oo ka raacayaan majiraane waa tacdiga lagu hayo xuquuqda iyo xoriyada hadalka. 

burco

 

Sidoo kale Xadhiga labadan Suxufi ayaanay ilaa hada ka hadlin Ururada suxufiyiinta Somaliland 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews