berberatoday.com
“Yaa Inoo Jabiyay Jabuuti”Abwaan Weedhsame Abwaan Xasan Dahir Ismaaciil(Weedhsame)
March 17, 2016 - Written by Berbera Today

Mid ka mida maayarada Somaliland oo Sita Lix sawir oo kur ah, Isla markaana doonaya in isaga iyo qoyskiisaba loo sameeyo passportka 3-da sanno ah, ayaa jabuuti 10 maalmood kolba nin madaxa la baryayey. Isla mayorkaasi ayuun buu ahaa kii meel madal ah jabuuti dhexdeeda kaga qudbadeeyey “Ismaaciil Cumar Geelle wuxu istaahilaa inad boqor ka dhigtaan aan dhicin” Ujeedada hadalkiisuna waxay ahayd in la siiyo passport-ka jabuuti. Madaxda inna matashaa hadh iyo habeen jabuuti Kama faaruqaan oo ama macawiso ha doonataan AMA passport-e, baryo ayey la taagan yihiin kadinka ina Cumar Geelle. Intii ay innaga xadayeen markay ku fillaan weyday ayey cadawgeenii u baryo tagaan illaa aan gaadhnay Heer Bah-dilaadaa aad arkaysaan la innagu falay. Wadankeena dhexdiisii baa askarteenii lagu laayey, weliba raalli-gelin daaye lagu sheegay maleeshiyo Soomaaliya ka soo jeeda oo Biyaha jabuuti ku soo xad-gudubtay!!!! Ma Ceebaad baa jabuuti leedahay? Madaxweyne ku Xigeenkii askarigii buu tacsi u diray se jabuuti sooma hadal qaadin xataa ma cambaarayn!! Xisbiyadeenii mid qudha hadal ma Odhan!! Waa yaabe, siyaasiyiinteenu markay isu tirinayaan sawkuwa is cambaareeya dalka dhan ee innagu soo duulay isaga maxaa u diiday!! Siyaasiyiinteena oo qudha maahee, odayadeena, abwaankeena, fanaankeena, saxafigeena iyo ganacsadaheenaba waxa lagu haystaa passportkaasi yar. Weynu dullaysansanahay ismana ogin. Nin aad baryeysaa ku qadarin maayo kuna qiri maayo. Hankii iyo dhaadashadii qaranimo lahayd baa innaga maqan, weliba madaxdeenii qabkii iyo qoor taaggii wadan xora madaxdiisu lahayd baa alle ka qaaday.

 

 

Abwaan Xasan Dahir Ismaaciil(Weedhsame)

Xigasho Ramaasnews

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews