berberatoday.com
Baligubadle, Bali-Cabbane iyo Gumur oo Dhayda Ka Cadeeyey Taageerada ay u Hayaan Musharrax Jamaal Cali Xuseen Iyo Soo Dhoweynta Garbo Siman Ah oo Lagu Qaabiley
March 18, 2016 - Written by Berbera Today

Baligubadle(Berberatoday.com)-Wafti Ballaadhan oo uu hoggaamiyo Musharraxa Xilka Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali Guray ayaa soo dhoweyn ballaadhan kala kulmay dadweynaha reer Magaalada Baligubadle ee Xarunta gobolka Hawd. Waftiga oo si lama filan ah saaka uga dhex toosay, ayaa isla markiiba Boqolaal kamid ah taageerayaasha ruuxiga ah ee Xisbiga Ucid ay usoo baxeen soo dhoweyn baaxadleh, oo ay waftiga ku sooryeeyeen. Dadweynaha usoo baxay soo dhoweynta Waftiga uu hoggaamiyaayey Musharraxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid, oo ku indho-daraandaray boqolaal taageerayaal daacad ahi markii ay soo hor istaageen, ayaa la hadlay Bulshada , iyagoo sheegay inay la yaaban yihiin sababta loo xidhay xududka u dhexeeya Somaliland iyo dalka Itoobiya, oo saaka uu xidhnaa , isla markaana aanay soo gudbi karayn dadweynaha deegaanka ee dhinaca shishe xigga.

Gudoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Md. Cali Guray waxa uu baaq u diray Xukuumadda Somaliland, isagoo ka dalbaday inay degdeg u furto xududka xidhan waxanu yidhi. “Xukuumadda waxanu uga fadhina inay soo cadeyso sababta loo xidhay xududka xilli dadkii isdiiwaangelinlahaa ay ku jiraan dhinaca Itoobiya, ma garaneyno cidda amarka bixisay, laakin arrintani waa Baligubadle oo keliya lama qabaan deegaanada kale ee Xududku, xukuumadana jawaab ayaanu ka filaynaa, Komishankana waxanu leenahay waa inay waqti dheeraad ah siiso dadkaa oo ay xilliga loo kordhiyo”.

Sidoo kale, Musharraxa Xilka madaxeyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen waxa Ilahay uga baryey dad weynaha Abaaruhu saameeyen inuu Raxmadiisa siiyo, isagoo dhinaca kale, dadweynaha ugu baaqay inay isdiiwaangeliyaan, isla markana ka faa’ideystaan mudada yar ee loo cayimay, waxa’se uu Musharraxa Jamaal wax laga xummaado ku tilmaamay in Xududka labada dal ee Magaalada Baligubadle ku taalo uu xidhnaado. “Ilahay waxa aan ka baryayaa inuu Raxmaad Kheyr qaba inoo shubbo, Ilahay abaarta ha inaga dulqaado, Ilahay Ubadka ha inoo Barakeeyo. Baligubadle waa goobtii Somaliland laga xorreeyey, waana goob Taarikhi ah, waxa aan aad uga xummahay in Baligubadle xadka laga xidho, sida cali Guray sheegaynaa waxana Xukuumadda , Komishanka leeyahay waqtiga haloo kordhiyo. Sababtoo ah waxa laga xidhay Xududkii, waxanan codsanayaa in goobaha loo daayo sidoodaas, dadku si ay isku diiwaangeliyaan”. Ayuu yidhi Jamaal cali Xuseen.

Sidoo kale, waftiga waxa ay u dhaqaaqeen Tuulada Gumurta, halkaasoo ay kusoo dhoweeyen waxgaraadka deegaanka iyo sidoo kale, dhalinyaro sita calaanka Xisbiga Ucid iyo Musharraxa Xisbigaas. Waftiga ayaa cabaar kaddib u dhaqaaqey Degmada Bali-cabbane, waxanay dadweynaha deegaankaasi kusoo dhoweeyen waftiga si aan hore loo arag, iyagoo usii sharraxay goob ay ku nastaan, isla markaana waxa ay caleemo iyo geerar kala horyimaadeen waftigu intii aanay soo gaadhin gudaha magaalada Bali-cabbane. Haku dhigyo iyo heeso ka waramayaa sida uu hoggaamiye Jamaal Cali xuseen ugu qalmo inuu noqdo Madaxweynaha mustaqbalka ay kasoo baxaayeen dadweyne iskugu jira Cirroolayaal iyo dhalinyaro intaba. Musharraxa Jagada madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen waxa uu dadka cadceeda mudada dheer u taagnaa, waxa isna mahadnaq ballaadhan u daray shacabka ku dhaqan Degmada Bali-cabbane Gudoomiye Ku-xigeenka sadeexaad ee Xisbiga Muj. Cali Guray, kaasoo uga mahadnaqay sida ay u taageersan yihiin Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka, Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen.

Si kastaba ha ahaatee, Waftiga ballaadhan ee Xisbiga Ucid, ayaa mudooyinkii u danbeyey dadweynaha goobaha diiwaangelinta ku wacyigelinaayey inay qaatan kaadhka Codeynta, si ay hadhowto u codeeyan, ugana qayb qaatan isbedelka dalku u baahan yahay. Sidoo kale, waxa maalmaha sii xoogeystay taageerada iyo cududda Xisbiga Ucid uu ku dhex leeyahay Bulshada ku dhaqan gobollada Somaliland, waxana meesha ka sii baxaysaa taageero ay bulshadu siiso labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews