berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Axmed Siilaanyo Iyo Waftigii Uu Hogaaminaayay Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Guryo Noqday, Kana Hadlay Safar Uu Dalka Kuweyt Kutagay+Sawirro)
March 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha iyo waftigiisa oo ay sidday diyaaradii khaaska ahayd ee boqorka Kuwait uu u soo diray ayaa ka soo degtay dhabaha diyuuradaha caalamiga ah ee Cigaal International Airport abbaaro Shantii Galabnimo ee maanta, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka Madaxwayne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye, ahna Musharaxa Madaxwaynaha Mudane Muuse Biix Cabdi, wasiiro Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Qaranka Xildhibaano ka tirsan goloyaasha qaranka, masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo dadwayne tiro badan.

495_926232724157248_4091265207230111255_n

Madaxwaynuhu wuxuu mid mid u gacan qaaday masuuliyiinta soo dhawaysay iyo dadwaynaha ku sugnaa garoonka markuu ka soo degay Diyaarada, isagoo u soo gudbay Xarunta madaxtooyada JSL, waxaana intuu dhexda ku soo jiray ay dadwaynaha magaaladu u gacan haadinayeen salaamayeena madaxwaynaha Qaranka.

Madaxwaynuhu markuu soo gaadhay qasriga madaxtooyada waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyadoo ay halkaasi ku tumeen Heesta calanka oo ay tumayeen baanboyda Ciidanka Booliska iyo Militaryga.

Madaxwaynuhu waxaa uu ka jeediyay hadal ku saabsan booqashadiisi dalka Kuwait isagoo saxaafada la hadlay, kana waramay socdaalkiisi Kuwait, waxaana uu yidhi “waxaan safar afar cisho ah aan ku tagay dalka Kuwait , muddada aan halkaas joogay waxaan kulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait oo ugu horreeyo amiirka dalka Kuwait, Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah , Waxaan amiirka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaan si gaara uga mahadceliyay Amiirka mashaariicda horumarineed ee dhaxalgalka ah ee boqortooyada Kuwait ka fulisay dalka, kuwaasoo shacbiga iyo dawladda somalilandba dareensan-yihiin.
Waxaan u gudbiyay Amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo Somaliland waxa lagula qabanayo, ugana soo jawaabi doono si dhakhso leh.
Sidoo kale, waxaan la kulmay madaxda hay’adaha Khayriyga ee ka hawl gala dalka Kuwait oo ugu horeeyo Guddomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha khayriga, ahna La-taliyaha amiirka dalka Kuwait , Dr Cabdalla Mactuug Almactuug.

Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah uga gaysan lahayd Boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhin lahayd taakulaynta ay siiso dadka dhibaatooyinku lasoo darseen.
Gabo-gabadii, waxaan kulan warbixineed, la qaatay jaaliyada Somaliland ee Dalka Kuwait, oo aan ugu waramay ujeeddada safarkayga iyo xaalada guud ee uu wadanku maraayo.”

Mid ka mid ah Warfidiyeenada ku sugnaa qasriga madaxtooyada ayaa madaxwaynaha waydiiyay mawqifkiisa ku aadan xad gudubkii ciidanka ka tirsan ilaalada xeebaha Jabuuti ay ku dileen hal Askari oo ka tirsan Marines-ka Somaliland mida kalena ay ku dhawaceen ee ka dhacay jasiirada Ceebaad ee Biyaha Somaliland, waxaana madaxweynuhu kaga jawaabay sidan “Ciidamada Jabuuti iyo Somalilandba wixii dhexmaray annagu haddii aanu Somaliland nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waanu difaacno, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa INSHAA ALLAHU TACAALAA

3615_926233754157145_7667098857453297226_n5841_926232727490581_7172430052202136134_n9199_926232820823905_3784367317443385890_n382284_926233300823857_4172362020997011890_n984124_926233104157210_8541334758208117415_n1280504_926232807490573_3928800752459472923_n1915078_926232974157223_461392965659300790_n1935812_926233150823872_612613194750750758_n10374876_926232747490579_5171329052408183384_n10438918_926233420823845_5464078358985553644_n10570277_926233377490516_2038248308066205858_n12871455_926232784157242_4273086148395846024_n12871457_926233170823870_7965555300686463666_n

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews