berberatoday.com
“25 Sanno Ayaynu Qaylinaynaa, Cid Aynu Dhibnay-na Ma Jirto’e, Inaynu Danaheenna Xor U Noqonno Ayaynu Ku Dhawaaqnay”Sheekh Aadan Siiro Daawo Muuqal
March 19, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa La Innooga Baahan Yahay Isku Duubni, Waayo?, Xaalad Adag Baynu Ku Jirnaa,  Waxa La Inoo Isticmaalayaa Kuwa Jaarkeenna Ah & Qaar Gudaheenna Jooga Oo Aan Doonayn In Dalku Hore U Kaco”Sheekh Adam-Siiro

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siira), ayaa ka hadlay Xaaladaha kala duwan ee Somaliland mareyso, waxaanu Hoggaanka Dalka iyo Dadka jecel horumarka Dalkooda ugu baaqay in la feejignaado.

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan, ayaa  sheegay in Maraykanka iyo Isreal go’aamiyeen in Dagaal lala galo Islaamiyiinta Suniga ah oo Somaliland ku jirto, sidaa daraadeedna Cidda Ictiraafka Somaliland hor-taagan yihiin Dawladaha Gaalada ah ee dagaalka kula jira Dadka Muslimka Suniga ah, kuwaasi oo uu sheegay inay Adeegsanayaan Dalalka jaarka ah iyo Dad jooga gudaha Somaliland oo aan doonayn in Somaliland horumar gaadho.

“Nimanka Dunida Maamula Hadaf-bay u tahay in aanay Somaliland Ictiraafin, Hadaf-bay u tahay Dad badan oo aynu ehel nahay oo Muslimiin ah oo innagu xeeran inay Carqaladeeyaan Somaliland, sidaa daraadeed Arrimaha noocaas ah waxa loo baahan yahay in loo helo Hoggaan toosan oo Caqli badan oo garanaya halka Dadka loo rarayo, oo garanaya Saacada Saaxiibtinimada iyo Saacadaha ay u baahan tahay in Meel wanaagsan la iska taago Cid walba oo Dadka iyo Dalka wax yeelaysa.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan Hoggaanka Maanta Dalka haya, inta Caqliga iyo Cilmiga leh iyo inta horumarka iyo Wanaagga Dalka jecel u dirayaa inaynu u baahannahay Xaalad digtooni badan.”

Sheekhu waxa uu tilmaamay in Somaliland ku jirto Xaalad adag, “Xaalad adag baynu ku jirnaa, Nimanka Adduunka xukumaa waxay sameeyeen laba Qaraar, waana in lala dagaalamo Dadka Sunniyiinta ah, markaan sidaa leeyahay kama hadlayno Kuwa iyagu qaarkood sameeyeen ee Muslimka isku arkaya ee Haddana Dadka Muslimiinta ah leynaya. Mozad-ka Isreal iyo Maraykanku waxay yidhaahdeen waa in la yareeyaa Muslimiinta Suniga ah, waayo? Waxay khatar ku yihiin Hoggaanka Isreal iyo Hoggaanka Maraykanka, waana Go’aan, waxaana lagu amray Qaramada Midoobay inta ka amar qaata Maraykanka iyo Israel inay sidaasi ku shaqeeyaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Tawxiidka aynu halkaa ku qorannay maxaa la inagu haystaa, 25 Sannadood-baynu qaylinaynaa, Cid aynu dhibnay ma jirto, konton kun oo Bani-aadam ah iyo 400 oo Sannadood waxaynu tabceynay ayaa la dumiyey, waa maxay waxa la innagu haystaa, waa ayo Cidda aynu ku duulnay , Waa ayo Cidda aynu waxyeelaynaa, inaynu danaheenna Xor u noqonno oo aynu Dalalka jaarkeenna ah Wanaag kula noolaanno doonayna ayaynu ku dhawaaqnay waxa inoo qoran (Madax-bannaanida).”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa uu sheegay in Dawladaha Gaaladu hore u ictiraafaan Dalalka ay Danaha ka leeyihiim, “Cidda ay Danaha ka leeyihiin hore ayay u ictiraafaan, laakiin waa inaynu is-weydiinno waxa la innagu haysto, waxa weeyaan Caalamka Islaamka Dad dhan oo wada Ahlu Sunna ah laguma hayo oo aan ahayn Soomaalida, wax kale la innaguma haysto, sidaa daraadeed waxa la innooga baahan yahay isku duubni, waayo? Waxa la inoo isticmaalayaa kuwa Jaarkeenna ah, waxa la inoo isticmaalayaa qaar gudaheenna jooga oo aan dooneyn in Dalku hore u kaco, markaa waa in Xaaladaha jira aynu u foojignaano.” Ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews