berberatoday.com
Qorshe Dhagareysan Oo Muuse Biixi Iyo Koox Wasiiro Ahi Ku Mashquulsan yihiin Inay Suldaan Xasanka Subeer Awal Sandaladiisa Ku khalkhaliyaan.
March 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiradda ka soo jeeda Galbeedka, Waqooyiga iyo Koonfurta Hargeysa ayaa saaka baajiyey shir lagu taageeri lahaa Suldaan Xasan Suldaan C/laahi, kaasoo ka dhici lahaa Hotel Xaraf ee Hargeysa, kadib markii ay balanqaadeen inay joojinayaan shir ay xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye soo abaabuleen oo ay berry ku caleemo saari lahaayeen Suldaan kale oo adeer u ah Suldaan Xasan.
suldaan-xasanWasiirka Cadaaladda iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo koox ay hogaaminayeen oo ka tirsan Hay’addaha Dawladda ayaa yimi hoolkii ay Taageerayaasha Suldaan Xasan ku qabsanayeen xafladda ay kaga soo horjeedaan qorshaha ay xukuumaddu ku wiiqayso Suldaan Xasan, kaasoo ahaa inay kooxo ay soo ururiyeen yidhaahdaan waxaanu kala noqonay Saldanada. Qorshaha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ayaa dhawr jeer oo hore fashilmay kadib markii ay arkeen taageeradda loo hayo Suldaanka, waxaanu qorshahan danbe soo laba kacleeyey markay kala quusteen Ergooyin ay u direen si uu u taageero, balse manta waxa jilbaha is dhigay labada dhinac, waxaanay ugu danbayntii isla garteen in la joojiyo xafladdaha la iskaga soo horjeedo.
Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ayaa u arka diidmada Suldaanku kala hor yimi in uu taageero mid sumcad xumo ku ah Ololaha ay ugu jiraan Doorashooyinka soo socda, waxaanay isha ku hayaan la’aantii inay calaamatal su’aal saaran tahay inay taageero ka helaan deegaamadda kale ee Somaliland.
Suldaan Xasan ayaa dhiniciisa ka wada olole balaadhan oo uu kaga soo horjeedo Xukuumadda iyo Xisbul xaakimka kulmiye, gaar ahaan Musharax Muuse Biixi oo ay isku Juffo hoose sii yihiin, kaasoo aan la garanayn dagaalka uu ku hayo Saldanada Faca-weyn ee Subulaha illaa Saaxil. Ujeedada ugu weyn ee xukuumaddu u abaabulayso shirka berri ee ay balanqaadeen wasiiraddu inay baajinayaan ayaa ah sidii ay u gil-gili lahaayeen, hase yeeshee Suldaan Xasan ayaa u dabci la’ waxaanay u muuqataa loolanka isaga iyo Muuse dhex miranayaa in uu riiq dheeraan doono, haddii aanay labadooda midkood tanaasuini. Odayaasha Qoyska Saldanada intooda badan ayaa taageersan Suldaanimada Xasan, halka Koox ka tirsan Raaska ay ka soo jeedaan loo abaabulay qorshe ka dhan ah Xasan balse waxa la eegi doonaa halka uu ku danbeeyo weerarka iyo weerar celiska labada dhinac soo giraan-girinayaan marka ay dadweyunuhu yidhaahdaan hadduun baa la kala nastay.
Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews