berberatoday.com
“Dowladda Somaliya Waxay Ka Taageeraysaa Puntland Dagaallada Al-Shabaab ” ..Madaxweynaha Xamar Xassan Sheekh
March 20, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Wasiir Cadami Oo Sheegay In Guddigii Madaxweynuhu U Saaray Baadhisita Dilalka Saraakiishu — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab lagula jiro ee ka socda deegaano Puntland ka tirsan uu qayb ka yahay barnaamijka ururkaasi ugu jiro waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed.

xasan

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay Muqdisho, kaddib markii uu ka qayb-galay furit-aanka shir maamullada looga hadlayo, isagoo xusay inay Al-shabaab isku dayeyso inay ka dhaliso Puntland qalalaase iyo jahwareer, kuwaasoo aan ka duwanayn kuwa ay ay kawado qaybaha kale ee Somalia.

“Al-shabaab waa naf-la-caari doonaysa inay ka sameysato Puntland goobo cusub oo ay ku dhuumaleysato, Tallaabadaasina waa mid DF Somalia ay si weyn uga soo hor-jeedo, sidaa darteed waxaan garab-taaganahay dadka iyo maamulka Puntland dagaallada ay kula jiraan kooxdan argagixisada ah. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland si dhaw ayay uga wada-shaqeynayaan sidii kooxdaas aan marnaba loogu oggolaan inay car-qaladeeyaan nabadda muddada dheer ka jirtay deegaannadaas,’’, ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shacabka Puntland sida ay ugu midoobeen dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab, si ay uga difaacdaan deegaannadooda muddada dheer nabadda ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xusay in dagaalka Al-shabaab looga soo horjeedo ee ka socda inta badan Soomaaliya uu weli halkiisii kasii socon doono inta laga gaarayo hadafka laga leeyahay ee ah in kooxdaasi guud ahaan dalka laga tirtiro.

“Qorshaha dowladda Somalia waa in Al Shabaab oo khatar ku ah nabad-gelyada dalka, tan gobolka iyo caalamka – laga ciribtiro Somalia, dhawaan ayaana rajeynayaa in Qorshahaasi hirgalo,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in isku-dayga Xarakada Al-shabaab ku doonaysao inay goobo cusub dagaal kaga abuurto ay digniin u tahay shacabka, sidaas dar-teedna shacabka laga doonayo inay ogaado in kooxdaan aysan ahayn mid ku kooban Dhul iyo Deegaan gaar ah, ujeedkooduna uu yahay inay la diriraan il-baxnimada

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews