berberatoday.com
Wakalada Biyaha Burco Cagta Saartay Marxaladii Ay Kasoo Gudubay Sanado Hore Iyo Farsamo Yaqaano Muddo Dheer Ka Shaqaynayay Wakalada Oo Shaqadii Laga Caydhiyay
March 20, 2016 - Written by Berbera Today

wakaalada biyaha burcoBurco(Berberatoday.com)-iyadoo ay Maalmihi u danbeyay ay Magalada burco ka tagnayd Biyo La-aan ayaa waxa gabi ahaanba istagay mashruuca biyo baladhinta oo ahaa mashruuc faaido badan u lahaa bulshada gobalka togdheer, Mashruucani Biyo Baladhinta oo ka mid ahaa Mashruuca ugu mudnaa ee soo mara magalada burco ayaa waxa mashrucaasi ka faidaystay Dadka Danyarta ku dhaqan Xaafadaha Cali Xuseen,Koosar iyo Aden Saleban Waxaana Xafadaasi la Gadhsiyay Biyo ku Filan, Hakadka ku Yimi Mashruucani Biyo Baladhinta ayaa la shegay inay sabab u Yihiin isbedelka lagu sameyay maamulka wakalada biyaha burco oo dhawaan wasiirka biyaha Uu xilkii ka qaday Mareyihii hore iyo Mareye ku Xigenkii Oo ahaa Masuliyiin Aqoon u Leh Biyaha, Wakalada biyaha Burco ayaa iyadu imika u Eeg Mid Cagta Saartay Marxaladii ay Maraysay Sanadii 2010 Waxanay Wakaladu Wakhtigaasi ahayd Mid Fadhiida Oo Aan Magalada burco Gadhsin Karayn Biyaha, Balse Dedaal iyo Wakhti Dheer Oo Lagu Lumiyay Wakaladu Way ka Soo Kabatay Dhibatoyinkaasi Wakhtigasi Haystay Waxaanay imika Wakaladu u Muqataa Mid Dib Dhabaha u Saartay Dariqii Hore, Waxaana tan iyo Wakhtigii Xilka Laga Qaday Mareyihii iyo Mareye ku Xigenkii Wakalada Faarax Cali Yuusuf isa soo Tarayay Cabashoyin ka Dhan ah Bulshada Reer Burco Oo ay ka Cabanayaan Biyo La-aan iyo Waliba Hakadka ku Yimi Mashruuca Biyo Baladhinta, Sidoo kale waxa iyaguna ilaa iyo imika Aan waxba laga qabanin Taangiyadii Kaydka Burco Oo ay hore u dhamaystireen Maamulkii Hore wakaladu Kuwaasi oo wakhti Xaadirkani u Xaniban in lagu Rakibo Oo Kaliya Biyaha si ay kayd ugu noqdaan Biyaha Wakaladda Biyaha, Ilo wareedyo lagu kalson yahay ayaa Saxafadda u Xaqijiyay in Wasiirka Biyuhu Uu Dusha ka soo Magacabay Shakhsiyaad Wagaasi Hore Loo Tirinayay Burburka Wakalada Biyaha, Dhinaca Kale Mareyaha Cusub Wakalada Biyaha Burco ayaa Shaqo ka Fadhisin ku Sameyay Todoba injiner Oo aqoon Badan u leh Dhinaca Biyaha kuwaasi oo ahaa la Taliyayasha Dhanka Biyaha Wakalada Biyaha Burco. Ugu Danbayntii ilo Wareedyo Lagu Kalson Yahay ayaa Saxafadda u Shegay in Horumar La-aanta Soo Foodsaray Wakalada Biyaha Burco ay Sabab u Yihiin Xubno Ganacsato ahi Kuwaasi Oo Doonaya in Wakalada Biyaha Laga Dhigo Shirkad Madax-banaan Lagana Hoos Saaro Wasaradda Biyaha Somaliland,

 

 

Berberatoday.com

Burco/somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews