berberatoday.com
Xoghayaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Baaq U Diray Dadweynaha Gobolka Saaxil Iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka
March 20, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com.com)-Xoghayaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Mustafe Waxdad ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Berbera kaga hadlay ahmiyada diwaangalinta codbixiyeyaashu u leedahay dadka iyo dalka, isla markaana codsiyo ku wajahan diwaangalinta codbixiyeyaasha u kala diray dadweynaha gobolka Saaxil iyo guddiga doorashooyinka Qaranka.

Mustafe waxdad ayaa ugu horreyn sheegay in afar iyo sideetan goobood oo gobolka Saaxil ah ay ka socotay muddo toddobaad ah diwaangalintu ka dibna la soo koobi doono goobihii oo ay socon doonto 28 cisho, loona baahan yahay in dadweynuhu is diwaangaliyaan.

Mustafe waxdad oo ka hadlay xaalada iyo duruufaha ku xeeran dadka ku dhaqan gobolka Saaxil iyo ahmiyada ay diwaangalintu u leedahayba ayaa waxa uu yidhi  “Dadweynaha gobolka Saaxil waxaan u sheegayaa inay is diwaangaliyaan oo ay qaataan kaadhka diwaangalinta codbixiyeyaasha maadaama oo diwaangalintan lagu salayn doono guud ahaan nolosha, Dadka gobolka Saaxil waxay u xaggaa baxaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee waxaan ugu baaqayaa inay dib u soo noqdaan yar iyo weynba, sidaa awgeed waxaan ku boorinayaa dadka gobolkan u dhashay inay yimaadaan oo ay isdiwaangaliyaan dhib kasta oo ay ku leedahayba”.

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxaanu farriin codsi ah u diray dadweynaha gobolka saaxil iyo guddiga doorashooyinka Qaranka waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan dadka reer Saaxil ka codsanayaa in aan mar walba la sii socon oo la soo socon ee dadku isku yimaadaan oo la darsaa  lana  sameeyaa barnaamijkii dadka u suurtogalin lahaa in la daganaado waxbarasho iyo shaqo ahaanba, waana in dadka gobolkani arrin meel mar ah la yimaadaan oo wixii ay dawlada uga baahan yihiina u gudbiyaan”.

Intaasi ka dibna waxa uu codsi u diray Guddiga Doorashooyinka Qaranka “Waxaanu guddiga doorashooyinka qaranka ka codsanaynaa oo aanu gobolka Saaxil u codsanaynaa maadaama oo ay gobolkan haysato dhibta xaggaaga ee kulaylka, dhibta ciida ee aanay baabuurtu mari Karin, dhibta buuraha ee ayna dadku ka gudbi Karin iyo dadkooda oo u xagaa baxa  Hargeysa iyo Burco, kuwaasoo Berbera ka soo gali doona labada dariiq ee laamiga ah ee kala yimiaada sidaa darteed waxaanu aad iyo aad u codsanaynaa in labadaasi dariiq sanaadiiq muhiim ah lagu reebo oo ay iska diwaangaliyaan, nolosha dadka ayey ku xidhan tahay waayo Berberi ma qaadayso dadka, oo habeenkii dhaweydba waxa ka dhacay saxmad markii ay goobta la xidhay ee ay dadku yidhaahdeen khasab nagu diwaangaliya, si aanay taasi u dhicin.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews