berberatoday.com
Xukuumada & Xisbiga Kulmiye Haka Waantowdo Farogalinta Qaawan Ay Ku Hayso Madax-dhaqameedka, Suldaan Xasan Kursi Siyaasi Kuma Fadhiyo ee Kursi Dhaqan buu Hayaa
March 20, 2016 - Written by Berbera Today

“Hadii aynu ku ogayn inay xadaan xoolaha umada waxay ku darsatay boob casri ah iyo inay bililiqaysato madaxdhaqameedka”

Waxaan aad uga xumahay Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye farogalinta qaawan ee ay ka dhexwadaan Saldanada Subeer Awal iyo Suldaanka Guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan. Waa nasiib daro in xisbiga Kulmiye kala garan waayo Arimaha Dhaqanka iyo Siyaasada, isla markaana weerar ku qaado Suldaanka Guud ee Subeer Awal, iyagoo sabab uga dhigaya suldaanku nama taageersana oo wuu naga soo horjeedaa, Bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay waad arkaysaan maanta halka laynala marayo. Xukuumada kulmiye waxay gaadhay inay tidhaahdo qasab iyo sandule halaygu taageero cidii ka hortimaadana cabudhin, caga juglayn iyo xadhig ayuu mudan.

Soomaalidu waxay tidhaa Intaanad Falin Ka Fiirso, waa arinkaas halaga fiirsado oo dib halooga noqdo shirka ay bari qaban qaabinayaan ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo Saldanada Subeer Awal iyagoo daba kuwata suldaan waraabo u taag ah, jahawareerka ku dhacay kulmiye iyo Musharaxiisa waxay keentay inuu soo ururiyo dad waji ku macaash ah oo aan dhaqanka waxba ka garanayn oo yidhaa suldaan xasan baanu xilka ka qaadaynaa oo mid cusub baanu samaynaynaa, waxaan leeyahay waar dhaqanku maaha sida siyaasada qudhuntay ee ah hebelbaa inaga sii jeeda ee hebel ku badal, taasna cida ku khasaaraysa walee waa la garanayaa. Ninka maanta ka badheedhaya dagaalka lagu wado saldanada iyo arimaha dhaqanka meel dheer ayaa laga dooni. Tolow kulmiye dhaqanka soo jireenka ah ee faca weyn leh ma wuxuu u haystaa inay sida Wasiiradeeda aayar xilka looga qaado oo kale, waa talaabo qaldan oo meel ka dhac ku ah anshaxa hogaan dhaqameedka reer Somaliland. Waxaan xasuusinayaa xibiga Kulmiye abaal aanay u qalmin inuu Suldaan Xasan u galay doorashadii M/weyne siilaanyo ku yimid, kuwa maanta wada mooshinka lagu wiiqayo suldaan xasan waxa ka mid ah kuwii odhan jiray hadii aanaan taageero ka heli lahayn suldaanka subeer awal suldaan xasan kulmiye khatarbuu gali lahaa. Maanta maxaa ka uray suldaankii oo waxan oo dagaal ah loogu wadaa yaab….!

Talaabadan ayaa ah mid ku cusub guud ahaanba hab dhaqanka soo jireenka ah ee saldanada Somalida iyo tan Somalilandba, iyada oo dhinaca kale ay arintani ay tahay markii ugu horeysay ee xisbi qaran iyo xukuumadiisa ay isku raacaan in waxyeelo qaawan u gaystaan kuna lacaan arin ku lidi ah dhaqanka iyo maamuuska Saldanada Beesha Subeer Awal. Hadaba ujeedada ka danbaysa weerarka lagu hayo Saldanada Subeer awal ayaa waxay tahay kalsooni daro soo wajahday Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo ay u arkaan inay caqabad ku tahay musharaxa kulmiye hadii uu taageero ka waayo suldaan ka guud ee subeer awal, waana caqli xumada ka danbaysa inay soo abuubulaan suldaan waraabo u tag ah oo aan soconayn, hadii kulmiye arintaas ku dhaqaaqo waxaad ogataan inaanu waxba doonayn ee umadu isnay isdisho uun ka shaqaynayo, ugu danbayntii kulmiye wuxuu cagta saaray wadadii guul darada ee bal aynu dhawrno halka uu ku danbeeyo. Waxaan kusoo khatimayaa kalmad ku jirtay Gabay uu tiriyay Abwaan Hadraawi ayaa ahayd:

“Halka Dayr Waqtigu Dhigo Dibaa Looga Sheekayn”

Alaa Mahad Leh

Siyaasi Mohamed Gacayte

 
 
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews