berberatoday.com
Guddiga ictiraaf Raadinta Somaliland Oo Yeeshay Kulankoodi Ugu Horeeyay
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Toban xubnood oo ka mid ah guddigii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dhawaan u magacaabay aqoonsi raadiska, ayaa shalay yeeshay kulankoodii u horeeyay.

 

guddi

Guddigaas, oo ka koobnayd 18 xubnood, ayaa waxa toban ka mid ahi ay shalay isugu yimaadeen shirkoodii u horeeyay. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka soo saartay warsaxaafadeed, u qornaa sidan “Gudida heer qaran ee Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay Ictiraaf Raadinta qaranka JSL ayaa maanta [shalay] kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo uu guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa ugu horayn gudidu uga mahadceliyeen Madaxweynaha JSL xilka iyo masuuliyadda uu u magacaabay, waxanay ku bogaadiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo guud ahaan  xukuumadda siyaasadda togan ee loo jeexay arrimaha dibadda iyo dadaalka ictiraaf raadinta ee laga wada qaybqaadanayo.

Gudidu waxay aad uga doodeen qorshaha istaraatijiyadeed iyo qaabka loo waajahayo dadaalka ictiraaf raadinta qaranka JSL,  qaab dhismeedka gudida, qaybsiga waajibaadka  gudida dhexdeeda, arrimaha bartilmaameedka u noqonaya qorshaha hawlgalka  ee  dadaalka ictiraaf raadinta  iyo sida loo waynaynayo xuska 25-Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida JSL 18 May 2016. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire wuxu u qaybiyay Gudida Nuqulka Rasmiga ah ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda JSL iyo qodobo gundhig u ahaa ajandaha kulankan 1aad ee Gudida.

Gudidu waxay isku waafaqeen hannaanka hawlqabasho iyo shaqada gudida iyo sidii looga midho dhalin lahaa ujeedooyinka iyo waajibaadka xil ee loo aas’aasay Gudida Ictiraaf Raadinta Qaranka JSL, waxanay u ballameen kulankooda xiga maalinta salaasada 22nd March.

Gudida Ictiraaf Raadinta Qaranka JSL waxay ku baaqeen in xuska 18 May 2016 –  25-Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida JSL loo oogo si weyn gudaha iyo dibadaba, lana gudbiyo farriinta Somaliland ee mutaysashada aqoonsi caalami ah iyo garawshiiyaha beesha caalamka ee qadiyadda shan iyo labaatan jirsatay ee madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Xubnaha Gudida Ictiraaf Raadinta Qaranka ee ka soo qaybgalay shirka:

1. Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

2. Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID

3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe

4. XIldhibaan Axmed Daahir Maxamuud

5. Cabdullaahi Jaamac Cismaan Geel Jire

6. Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

7. Dr. Edna Aadan Ismaaciil

8. Prof. Maxamed Siciid Gees

9. Amb. Raabbi Cabdi Maxamed

10. Garyaqaan. Maxamuud Xuseen Faarax

Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay shirka Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo warbixin ka siiyay Gudida  Dhismaha Gudiyada Ictiraaf Raadinta Qurbajoogga Somaliland iyo wadamada illaa haatan laga dhisay ee Europe; iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Aden Ismaaciil (Kayse).”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews