berberatoday.com
Hargeysa”Muwaadin Mudaharaad Salmi Ah La Hor-tagay Golaha Wakiillada Iyo Waxa Uu Ku Baaqayey
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Muwaadin Magaciisu yahay Maxamed Faarax Qoti oo ka mid ah Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa Shalay Xarunta Golaha Wakiillada ka hor-dhigay Mudaharaad Salmi ah.

Mr. Qoti oo sita Boodh ka samaysan Kartoon oo uu ku soo qoray Weedho uu ku muujinayo Ujeeddada Mudaharaadkiisa, ayaa socdaal ku soo maray laga soo bilaabo Agagaarka Wasaaradda Beeraha, waxaanu lug ku soo maray Jidka hor-mara Madaxtooyada, isagoo gabogabadiina soo hor-istaagay Xarunta Golaha Wakiillada ee Hargeysa, halkaasi oo uu kula kulmay Warbaahinta.

Muwaadinkan, ayaa boodhka uu sitay waxa ku qornaa Weedho ay ka mid ahaayeen, “Haddii Dadka Daacadda ah lagu dhaqmo Caddaalad-daro, kama Saarto Dadnimada ee kuwa ku dhaqmaya ayay kharibtaa.”

Sidoo kale, waxa Weedhaha Boodhkaasi ku qornaa oo qaarkood uu ku taageerayey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo doraad soo bandhigay Musuqmaasuq ka jira Hay’adaha Dawladda oo Golaha Wakiilladu ku jirto, ka mid ahaa, “Waxaanu garab taaganahay Xildhibaannada Daacadda ah ee Dadka iyo Dalkooda jecel.”

Muwaadinkan Sameeyay Mudaharaadka Salmiga ahi waxa uu ku baaqay in wax laga qabto Musuqmaasuqa uu soo bandhigay Guddoomiyihii hore ee Guddi-hoosaadka Daba-galka Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo doraad uu si kedis ah Xilka uga qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro, “Haddii wax laga qaban waayo dhammaan Musuqmaasuqii uu soo bandhigay Xildhibaan Obama waxaanu shaacin doonaa Mudaharaad.” Ayaa sidoo kale Boodhka Muwaadinkaasi sitay ku qornaa.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews