berberatoday.com
Madaxweynaha, Ku Xigeenkiisa Iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Madaxda Axsaabta Oo Shir Lagu Falanqaynayo Geeddi Socodka Diwaangalinta Ku Yeeshay Madaxtooyada
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Ku Xigeenkiisa Iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Madaxda Axsaabta Iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa shir gaar ah xalay ku yeeshay qasriga madaxtooyada.

????????????????????????????????????Kulankan oo lagu qiimaynayey sida hawsha diwaangalinta codbixiyeyaasha uga socoto socoto gobollada dalka, oo qaarkoodna la soo gabagabeeyey.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada ayaa lagaga waramay ujeedada kulankan iyo waxyaalihii lagaga wada hadlayba, war-saxaafadeedkaasi oo dhameystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

 

“Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u socdo barnaamijka Qaranka ee diiwaangalinta codbixiyayaasha oo haatan maraysa Saaxil, Gabiley iyo Hawd, ka dib markii la soo dhameeyay Togdheer iyo Awdal, ayaa lagu qabtay xalay  qasriga Madaxtooyada JSL.

 

Shirkan oo uu guddoominaayay Madaxwaynaha  JSL, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, weheliyayna Madaxwayne ku xigeenka,  Mudane  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil  (Saylici), Guddoomiyayaasha  Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani, Xubnaha komishanka doorashooyinka  oo uu horkacayo Guddoomiyaha komishanka, wasiirro iyo  Masuuliyiinta xukuumadda iyo  xisbiyada qaranka ka tirsan ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray  sida diiwaangalinta  codbixiyayaashu ilaa hadda u socoto.

 

Xubnaha  komishanka doorashooyinka Qaranka (KDQ) oo  ahaa shan xubnood  uguna horreeyo Guddoomiyaha Komishanka  Mudane  Cabdiqaadir Iimaan Warsame  ayaa qeexay in ay diiwaangalintu sidii la rabay ee loogu talo galay u socoto, cidkastoo isku dayday in ay isdiiwaangaliso halmar wax ka badanna qalabka lagu shaqaynaayaa qabtay, sharcigana lala tiigsan doono .

 

Xubnaha komishanku waxay ka digeen in caadifad inna qaaddo oo habka ay diiwaangalintu u socoto la farafareeyo, loona ordo waxa loo malaynayo in ay gobol ama degmo gaar ugu badinayso.

 

Waxay ku adkaysteen xubnaha komishanku in nidaamka diwaangalintu ee codbixiyayaashu yahay kan ugu fiican caddaaladda, laguna meel marin karo  tartan xor iyo xallaal ah doorashada loo balansan yahay 2017, haddii Eebbe idmay.

 

Waxay caddeeyeen Xubnaha KDQ in nidaamka codbixiyayaasha loo diwaan galinaayo  aanay cidna uga horrayn caalamka Somaliland, kalsooni wayna lagu qabo in uu guulaysto habkani.

 

Dhinacooda Xubnaha ka tirsan Asxaabta iyo Masuulliyiin xukumadda ahiba waxay tilmaameen inay kalsooni ku qabaan komishanka  dooroshooyinka iyo qalabka lagu shaqaynayoba, waxay rabaana yahay in tirada ugu badani ee codbixiyeyaashu is diwaangaliyaan, xaqa dastuuriga ah ee codbixiyeyaashana loo  ilaaliyo.

 

Markii la qaadaa dhigay ka dib, waxa la isku dardaaray in habka lagu wado diiwaangalintu ay sideeda u socoto, Gobollada iyo Degmooyinka ay ka socotana lagu dadaalo in Goobaha Diwaangalinta lagu ururiyo si dadka ugu badani isku diiwaan galiyaan.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo soo gunaanaday kulanka ayaa ku dardaaray ka qaybgalayaasha kulanka in Komishanka dooroshooyinka qaranka  lagu qaddariyo shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka, komishanka dooroshooyinka qarankuna ay tixgaliyaan cabashooyinka aan ka hor imanaynin  wakhtiga iyo  habka shaqada diiwaangalinta loo qorsheeyay.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews