berberatoday.com
Milicsiga Hal-adaygii Marxuun Cigaal Ee Jabuuti Iyo Ka Maaran La’aanta Xukuumadda Maanta
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynihii horre ee Somaliland alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa u duur xulay jabuuti inaanay Somaliland macno wayn ugu fadhiyin, hadalkan ayaa madaxweynaha ka yimi xilli dawladda Jabuuti soo eryaday safiirkii u fadhiyay Somaliland dalka Jabuuti.

Alle ha u naxariistii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo arrinta ka xanaaqsan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha, waxaan hadalkiisii ka mid ahaa “Beribaa kaneeco fuushay Maroodi, ka dib markii ay ka sii duulaysay Maroodiga ayay u sheegtay maroodigii inuu is xejiyo oo ay ka duulayso. Macnaha Maroodi muxuu ka ogyahay kaneeco fuushan hadday duusho iyo hadday saarnaataba.”Ayuu yidhi alle ha u naxariiste Madaxweyne Cigaal

 Dhinaca kale, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa isku dhul dhigta maamulka ka jira dalka Jabuuti, isla markaana ilaaliya sharafta iyo karaamadda xukuumadda duulaanka ku ah jiritaanka Qarannimadda Somaliland iyadoo xilligan ay ku sugan yihiin wasiiro ka mid ah xukuumadda Somaliland, isla markaana wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ay dagaalkii dardaradda ahaa ee Jabuuti ku soo qaaday dalkeenna lagu tilmaamay wax aan micno badan lahayn, xilli dawladda jabuuti sheegtay in dagaalka ay ku baacsanaysay maleeshiyo ku sugnaa xeebaha Somalia.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka furanayo xafiisyo olole u galla murashaxnimadiisa iyo soo rogaalcelintiisa Jagadda Madaxtinimo ee dalka Jabuuti.

 

 

 

Source: Ogaal.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews