berberatoday.com
Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye oo Suldaan Maqaar Aaar Ah Ku Abla-ablaysay Hargeysa “Haduu Dhaqanka Qaladkaaga Jiro Qabar Ku Waynaa”.
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Xukuumada Kulmiye ayaa weerar qaawan oo argagaxiso ah ku qaaday Saladanadii Guun ka ahayd ee Subeer Awal, waxaanay Suldaan Madaxtooyada laga soo dhoob dhoobay oo Gacan Ku Rimis ah maqaar saartay, iyagoo doonaya in lagu carqaladeeyo suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Xukuumada kulmiye ayaa markay hantidii umada dhaceen ayay maantana usoo dhigteen inay dhacaan madaxdhaqameedka oo ay bililiqaystaan.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, wuxuu huwanyahay sharafta iyo karaamada Beel-waynta Subeer Awal ee ku dhaqan Geeska Africa (Somaliland, Djabuuti iyo Ethiopia), Meel ay dhaqanka kaga taalo ma leh inta koox yari is urursato inay yidhaahdaan suldaan baanu samaynaynaa, waar dhaqanka garoocashada halaga daayo, ma waxay u haystaan in Suldaan Xasan xukuumadu magacawday oo uu xil u hayay, taasi waxay cadaynaysaa in xukuumada siilaanyo kusoo duushay Madax-dhaqameedkii oo madaxtooyada laga soo weeraray. Maanta waxaynu maraynaa Halkii uu Abwaan Cabdi qays ka gabyay Maansadiisii (Darmaan iyo Dalxiis) waxa ku jirtay kalmad ahayd. “Sharcigii Dameer Xidhay Qof Daryeeli Maayee Ka Dagaalamaay”
Xukuumada iyo xisbiga kulmiye waxay gaadhay inay boobto oo ay bililiqaysato saladanada subeer awal, waa markii ugu horaysay nin Musharax ahi ku kaco burburinta suldaankiisa, waxaanu taariikhda ku galayaa Musharaxii ugu horeeyay ee beeshiisu ku mudaharaado si cadna uga soo horjeedsato isagoon tartanba galin. Subaxaanaka yaa cadiim. Kulmiye waxaan u sheegayaa siyaasigu wuu dhacaa laakiin suldaanku ma dhaco oo dhaqan buu ku yimid.
 
W/Q
Maxamed Gacayte
Alaa Mahad Leh

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews