berberatoday.com
Xukuumada, Xisbiyada Qaranka Iyo Komishanka Doorashaooyinka Oo Ka Shiray Diwaangalinta Codbixiyayaasha
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u socdo barnaamijka Qaranka ee diiwaangalinta codbixiyaasha oo haatan maraysa Saaxil, Gabilay iyo Hawd, ka dib markii laga soo dhameeyay Togdheer iyo Awdal, ayaa lagu qabtay xalay  qasriga Madaxtooyada JSL.

Shirkan oo uu gudoominaayay Madaxwaynaha  JSL, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, weheliyayna Madaxwayne ku xigeenka,  Mudane  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil  (Saylici), Gudoomiyayaasha  Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani, Xubnaha komishanka doorashooyinka  oo uu horkacayo Gudoomiyaha komishanka, wasiirro iyo  Masuuliyiinta xukuumadda iyo  xisbiyada qaranka ka tirsan ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray  sida diiwaangalinta  codbixiyayaashu ilaa hadda u socoto.

Xubnaha  komishanka dooroshoyinka Qaranka (KDQ) oo  ahaa shan xubnood  uguna horeeyo Gudoomiyaha Komishanka  Mudane  Cabdiqaadir Iimaan Warsame  ayaa qeexay in ay diiwaangalintu sidii la rabay ee loogu talo galay u socoto, cidkastoo isku dayday in ay isdiiwaangaliso halmar wax ka badanna qalabka lagu shaqaynaayaa qabtay, sharcigana lala tiigsan doono .

 

Xubnaha komishanku waxay ka digeen in caadiifad inna qaaddo oo habka ay diiwaangalintu u socoto la farafareeyo, loona ordo waxa loo malaynayo in ay gobol ama degmo gaar ugu badinayso.

 

Waxay ku adkaysteen xubnaha komishanku in nidaamka diwaangalintu ee codbixiyayaashu yahay kan ugu fiican cadaaladda, laguna meel marin karo  tartan xor iyo xalaal ah doorashada loo balansan yahay 2017, hadii Eebbe idmay.

 

Waxay caddeeyeen Xubnaha KDQ in nidaamka codbixiyayaasha loo diwaan galinaayo  aanay cidna uga horrayn caalamka Somaliland, kalsooni wayna lagu qabo in uu guulaysto habkani.

 

Dhinacooda Xubnaha ka tirsan Asxaabta iyo Masuulliyiin xukumadda ahiba waxay tilmaameen inay kalsooni ku qabaan komishanka  dooroshooyinka iyo qalabka lagu shaqaynayoba, waxay rabaana yahay in tirada ugu badani ee codbixiyeyaashu is diwaangaliyaan, xaqa dastuuriga ah ee codbixiyeyaashana loo  ilaaliyo.

 

Markii la qaadaa dhigay ka dib, waxa la isku dardaaray in habka lagu wado diiwaangalintu ay sideeda u socoto, Gobolada iyo Degmooyinka ay ka socotana lagu dadaalo in Goobaha Diwaangalinta lagu ururiyo si dadka ugu badani isku diiwaan galiyaan.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo soo gunaanaday kulanka ayaa ku dardaaray ka qaybgalayaasha kulanka in Komishanka dooroshooyinka qaranka  lagu qaddariyo shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka, komishanka dooroshooyinka qarankuna ay tixgaliyaan cabashooyinka aan ka hor imanaynin  wakhtiga iyo  habka shaqada diiwaangalinta loo qorsheeyay.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews