berberatoday.com
Caleemo-saar Si Rasmi Ah Loogu Wareejinayo Maanta Sandaladda Subeer Awal Suldan Xasan S. Cabdiraxmaan Iyo Imaatinka Cabdirisaaq Ee Wareejinta Suldaanimo
March 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Munaasibad xilkii saldanada facawayn ee Subeer Awal si rasmi ah loogu wareejinayo Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo hore si ku meel gaadhnimo ah u hayay xilka saldanadaasi, ayaa maanta ka qabsoomaysa hotel Crown ee magaaladda Hargeysa, ka dib markii maalin ka hor la caleemo saaray suldaan bedeli doonna Suldaanka Sandaladu ku abtirsato.

Waxaana munaasibaddan ka soo qayb-gelaya suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo walaalkii Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo maanta sagaalka subaxnimo ka soo degaaya madaarka  Hargeysa, sulaadiin, cuqaal, waxgarad iyo aqoonyahan ka kala socda ardayada kala duwan ee beelaha Subeer Awal iyo weliba sidoo kale madaxdhaqameed kale oo ka socda beelaha kale ee Somaliland ayaa isku diyaaryay soo dhawayntiisa.

Siday noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah iyo weliba sidoo kale dad ka mid ah caa’iladda qoyska saldanada reer Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa sheegaya in imaanshaha Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ah suldaanka hore u lahaa dhaxalka saldanada faca-weyn ee Subeer Awal oo ay walaalo yihiin suldaanka hadda haya ee Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo ka soo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta oo uu degan yahay, ay u jeedada socdaalkiisu tahay sidii ay si wada jir ah u difaaci lahaayeen saldanada faca weyn ee qoyska reer Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, isla mar ahaantaana uu si rasmi ah ugu wareejin lahaa suldaankii hore u sii hayey xilka saldanadaasi Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo is ku meelgaadh ah u sii hayay sandaladda.

Dhanka kale,  wararku waxay sheegayaan in beel waynta subeer awal ee ka soo jeeda sandaladda facweyn leh inay ka horyimaadeen burburinta sandaladda, waxaana kulmo ay madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beeshaasi wada yeesheen suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal ay isku afgarteen inay si wada jir ah u difaacdaan meelna uga soo wada jeestaan khalkhal gelinta saldanada facaweyn ee Subeer Awal, waxaana si buuxda suldaanka ugu sheegeen in ay taageero buuxda oo hiil iyo hooba leh ay la garab taagan yihiin.

Ugu dambayntiina tallaabadan saldanada Subeer Awal sida rasmiga ah loogu wareejinayo  Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan. Waxayna noqonaysa tallaabo soo afjarta muran dambe oo ka taagan saldanada Subeer Awal.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews