Daawo Muuqalka”Shacab Weynaha Reer Berbera Oo Salaad Roob Doona Tukaday
March 22, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-shacab weynaha Kudhaqan magaalada Berbera ayaa saaka udareeray salaad roob doona oo ilaahay ay ku baryayaan inuu abaarta kasoo jabiyo guud ahaan shacab weynaha Somaliland gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah ee kudhaqan deegaamada Miyiga oo abaar daba dheeraatay ku habsatay . waxaana shacabka reer Saaxil isugu soo baxeen fagaaraha salaadaha ciidaha lagu tukado waxaana kala qeyb galay salada shacab weynaha reer Berbera wasiiro ka socday xukumada somaliland.
Maamulka iyo shaqaalaha dekeda Berbera ayaa iyaguna dhinacooda salaada roob doonta ah ku tukaday barxada weyn ee dekeda Berbera.