berberatoday.com
Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Naxdinta Lahayd ee Ku Timi Xoghayahii Hore Ee Dawladda Hoose Deeq Xirsi Cambuur H
March 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo weliba sida oo kale taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibadba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI isaga oo ka tacsiyadeynaaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi  xoghayahii hore ee dawladda hoose oo imikana ka tirsanaa xisbiga WADDANI Alle ha u naxariistee Deeq Xirsi Cambuur oo maanta ku geeriyooday isla mar ahaantaana lagu aasay magaalada Hargeysa, ka dib xanuun uu jiifay muddooyinkii dambe.

Ciro-1.jpg

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa qoysaskii, caruurtii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu

ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan oo ku caan baxay fur-furnaan iyo dad jecayl uu had iyo jeer isu soo jiidi jiray kana war hayn jiray kooda baahan iyo kooda kaleba, waxaana lagu xasuusan doonaa in uu si weyn uga soo qeyb-qaatay horumarka marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray qaranka Somaliland, iyada oo si gaara loogu sii xasuusan doono kaalintii habbooneyd ee uu kaga jiray wakhtiyadii kala duwanaa ee uu ka soo shaqeynaayey dawladda hoose ee Hargeysa oo uu ka soo noqday xogahyaha guud ee dawaladda hoose isla mar ahaantaana wax badan ka qabtay hawlaha ay qaranka u hayeen, iyo weliba doorkii firfircoonaa ee uu kaga jiray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somaliland  samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.

 

Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi Raajiuun

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews