berberatoday.com
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Weerarkii Garoonka Diyaaradaha Brussels(sawirro)
March 22, 2016 - Written by Berbera Today

 Brusles(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa sheegay inay jirto dhimasho iyo dhaawac badan.

Isagoo ka hadlaya shir jaraa’id wuxuu xaqiijiyay weerarka garoonka in qof uu is qarxiyay.

11

Raiisalwasaaraha Belgium ayaa ugu yeeray weerarka “dagaal gurracan oo indha la’aan ah oo si fuleynimo ah loo fuliyey”.Wuxuu ugu baaqay dadka reer Belgium inay muujiyaan “dagaanaan iyo taageero”.

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay weeraro lala beegsaday gagida dayuuradaha ee Brussels iyo saldhig tareen.

Laba qarax ayaa ka dhacay siddeedii subaxnimo gagida dayuuradaha ee Zaventem, hal qarax ayay masuuliyiinta sheegayaan inuu qof is qarxiyay.

Sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee Belgium, in ugu yaraan 11 qof ay dhinteen, 81 kalena ay dhaawacmeen. Waxay u eg tahay qaraxa inuu ka dhacay meel u dhow miiska diyaarada American Airline iyo Belgian Airline ee garoonka, iyadoo dadka ay saf ugu jiraan inay duulaan.

Waqti yar kadib qarax kale ayaa ka dhacay saldhiga tareenka ee Maalbeek, oo aad ugu dhow xarunta Midowga Yurub. Waxaa ku dhintay 15 qof, 55 ayaa ku dhaawacantay. Dowladda Belgium waxay kor u qaaday heerka feejignaanta argagixisada waddanka oo dhan, iyadoo gaarsiisay heerka afraad.

Madaxweynaha Ruushka ayaa cambaareeyay

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “fal waxashnimo” waxa ka dhacay Brussels, wakaalada wararka Interfax ayaa tabisay, iyadoo soo xiganaysa xoghayihiisa warbaahinta Dmitry Peskov.

“Madaxweynaha ayaa cambaaraynaya falkan waxashnimada, wuxuuna tacsi u dirayaa dadka reer Belgian, wuxuuna u balanqaaday taageero Boqorka Philippe dadka reer Belgium waqtigan adag.”ayuu yidhi Mr Peskov.

ee dhacay November.

1234567)

Source BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews