berberatoday.com
Dekeda Berbera Oo Lagu Qabtay Gaadhi Waaraad Ah Oo Sida Garaabo La Tumay Oo Lagu Cashuuray Xine Dalalka Yurubna Loo Iib Geynaayay
March 23, 2016 - Written by Berbera Today

waaradka2 Waraadka3 Waaraadka5 Waarad jaad1 Waraadka4 Waraadka3Berbera(Berberatoday.com)-Ciidanka ilaalada cashuurha Dekeda Berbera iyo shaqaalaha Dekeda Berbera oo iskaashanaya ayaa Gacanta kudhigay gaadhi 24 ton ah oo sife khiyaamo ah Garaabo La Soo tumay oo Xinaha dumarku marsadaan loo ekeysiiyay lagu soo raray oo la doonaayay in Dekeda Berbera laga Dhoofiyo iyada oo lagu cabaynayo(Lagu Gurayo Koonteenar lagu Geynayo dalalka yurub ee dhawaan jaadkii loo iib gayn jiray laga joojiyay.Waraadka4

Jaadkan ama garaabadan lasoo tumay ayaa lagu soo mooriyay karaatoon iyada oo loo soo ekeysiiyay xinaha dumarku marsadaan waxaana qabtay oo ka shakiyay badeecadan garaabada ah ee sida khiyaamadu ka muuqato la doonaayay in Dekeda Berbera looga dhoofiyo Ciidanka ilaalinta cashuuraha ee turubo taariyada Dekeda Berbera iyaga oo ka shakiyay xinahan dalka debediisa loo dhoofinayo iyaga oo hore u arki jiray xinaha oo dalka debediisa laga keenayo kana soo dagaya dekeda Berbera balse ay layaab ku noqotay in xine dalka debediisa loo dhoofinayo kadib markii ay karaatoontii lagu soo moor gareeyay ay fureen ayay ugu tageen garaabo ama jaad la tumay oo baco lagu xidhay kadibna karaatoonta lagu xabkeeyay.

Garaabadan ama jaadka sida khiyaamada ah loo dhoofinaayay ayaa waxa watay oo lahaa laba nin oo aan hore Dekeda waxna ugala soo dagi jirin waxna aan uga dhoofin jirin imikana ay ugu horeyso Dekeda Berbera, waxaanay labadii nin iyo gaadhigii Waaraadka ahaa(Candha Meydhle)kuxidhan yihiin saldhiga Booliska ee Dekeda Berbera waxaana lagu haystaa khiyaamo ay sameeyaan iyaga oo jaad ama garaabo la tumay ku cashuuray Xine ahaan iyo waliba jaadka oo ay wadamada yurub iyo caalamka intiisa badani ay uyaqaanaan mukhaadaraad ama maandooriya inay sumcad xumo ku keento macaamilka dekeda berbera la leedahay Dekeda caalamka maamadama oo koonteenar lagu cabanaynaayay garaabadan lasoo tumay uu kusii jeeday dalka yurub oo ay macduun kutahay garaabadan tumani lacag aad ubadana lagu iibsan lahaa maadama oo jaadka iyo ka ganacsigiisa laga mabnuucay wadamo badan oo yurub kuyaala.waxase hadiiba lagu qabto wadamada yirub ee loo waday la tix raaci lahaa Dekeda laga soo dhoofiyay garaabadan kadibna waxa halkaas Dekeda berbera kasoo gaadhi lahayd sumcad xumo aad uweyn.

Waaraadka5

Sida ay sheegayaan xogo dheeraada oo aanu dhacdadan ka helay waxa Garaabadan la soo tumay ee sida khiyaamada ah loo dhoofinaayay lagu soo cashuuray kastamka magaalada Kalabeydh ee Wajaale kasoo sokaysa iyada oo garaabada ama jaadka tumana lagu soo farsameeyay dalka itoobiya iyada oo warar kaloo aanu helay sheegayaan in nimanka Garaabadan ama jaadka lasoo tumay sitay ay hore uga dhoofin jireen dalka jabuuti balse la ogaaday markii ay mudo ka dhaafinayeen dalkaas laguna qabtay markii udanbeysay ragana sitana xadhig iyo ganaax lacageed oo lagu xukumay kadib la soo daayay kadibna waxa ay usoo jahaysteen dhinacan Dekeda Berbera oo lagu qabtay markii uhoreysay.

Waraadka3

Ilaa hada maamulka Dekeda Berbera ka kastamka Iyo Ciidanka ilaalada cshuuruhu toona wax wara kamay soo saarin garaabadan ama jaadkan sida khiyaamada ah dekeda berbera looga dhoofinaayay ee la qabtay.

Waraadka4

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews