berberatoday.com
Qiso Dhab Ah Oo Dhexmartay Duqa Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Soltelco Iyo Dameerkii Jaarkiisa Ahaa (Qayt 1aad) .. Qalinka: Abokor Cumar Cismaan
March 23, 2016 - Written by Berbera Today
Qiso Dhab Ah Oo Dhexmartay Duqa Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Soltelco Iyo Dameerkii Jaarkiisa Ahaa (Qayt 1aad) .. Qalinka: Abokor Cumar Cismaan

Qisadani waa qiso dhab ah oo dhexmartay duqa Hargeisa iyo Dameer ay jaar yihiin guriga uu Duqa Hargeisa ka degan yahay caasimadda Somaliland, waxaan moodayey in duqa Hargeisa uu dulmiyo dadka oo qudha lakin marna maan filayn maankaygana maan soo qalin qiso noocan oo kale ah ayaa Somaliland ka dhaci ama ba dhacday waxaan islahaa dulmigu danyarta oo qudha ayuu ku eeg yahay, lakin mushaahidinta ama dameeraha toona afka in laga xidho way dhacdaa ismaan odhan , balse way dhacday si kastaba haw dhacde waxkastaba in ay dhici karaan waa aqli gal dalkan aynu dunida kaga nool nahay awgeed ,waxaaban aad u rumaysnaa in ay Somaliland tahay mid ka mida waddamada dunida ugu xorsan xaga xoriyatal qawlka lakin qisadan oo kalena way ka dhacday in dadkii daayo dameera xoriyadda laga qaado oo afka laga xidhay , qisadani waxay dib ii xasuusisay qiso ka dhacday dawladdii digtaaytarka ahayd ee Somalia mar xabsiga lagu wadda xidhay Abwaanka weyn ee Abdiqays iyo Dameer dawladdu soo eedaysa, Dameerkani waxay qaraabo yihiin dameerkaa barigaa lagu gafay wuxuu ahaa dameerkaasi awoowgiisii todobaad dulmigii awoowgii helay 30 sanno ka hor ayaa isagana maanta qabsaday ,Siddii aan idiin sheegay waxay jaar yihiin guriga maayorka, waxay jaar ka yihiin dhinaca koonfureed oo waxay ka danbeeyan guriga duqu galo , waa reer masakiin ah waa hooyo dhashay saddex ciyaala odaygii reerkuna wuxuu ahaa mujaahid naftiisa u sadqeeya xoraynta Somaliland, hooyaddaasi waxay leedahay laba inan iyo gabadh labadda inan mid ka midi wuu xanuusanayaa waliba xaga maskaxda , midna waa kan ugu shaqeeya dameerkaa aad arkaysaan oo waa biyoole, nolosha ayuu jihaad ugu jiraa sidii reerkooda iyo walalkiisa xanuusanayaa u heli lahaayeen waxay dhuuniga mariyaan hamigoodu waa nooladda uun way jecelyiihin in ay ku nooladan nolosha Abdirahman soltelco ku nool yahay oo kale , lakin awoododa ayaan u saamixin, saddexda wakhti ayaaba ku dhiba in ay si joogto ah u helaan ,Dameerkan aad arkaysaan waxaa la raraa aroortii hore abaaro lixda ilaa shanta iyo badhka Am , Marmarka qaar waxbaa la siiyaa , marmarka qaarna lamaba siiyo oo wax uu cuno waxaa ugu horaysa wakhtiga laga furo , Waxaa laga furaa rarkaasi wakhtiga wakhtigeeda, Waa masaakin iyo mushahidin isla dulman wakhtiguna yidha nolosha halkaa kale haysta , balse waxay ugu yaab badnayd malin maalmaha ka mida markii dameerka oo xiradiisa iskaga jira oo si xor ah iskaga ciyaya dhuusana ku daraya uu duqa hargiesa u yimid oo uu ku yidhi miyaad taqaana aniga qayladaadi ayaa badatee?

Dameerkii oo yaaban ayaa yidhi maya ee ma biyo ayaad doonaysay inaan kuu soo shubo dameerkii oo naxdin iyo daal dareemaya oo uu hadalku dirqi ku yahay ayaa yidhi aniga dadku waa ii mid uune dantaada ka hadal, Duqii oo xanaaqsan oo la yaaban in uu garan waayay mayorka magaallada baa yidhi waxaan daganahay gurigan jaarkaga , dameerkii oo yaaban ayaa yidhi ! haye muraad kaagu muxuu yahay waxba inaga gurigaa bangalada ah ee aad ii tilmaamayso waxba igama galine! Oo halkaas baaban ka daganahee ,Duqu wuu yaaban yahay oo wuxuu u qaadan laayahay wax uu u garan laayahay yahay mayorkii magaallada Hargeisa, Cadho ayuuba bastii yahay duqu

 

.
La soco
Email: Abokoromer@gmail.com
Abokor Cumar Cismaan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews