berberatoday.com
Somaliland oo Lagu Casuumay Shir Lagaga Hadlaayo Amaanka Madaarada Aduunka Oo Ka Dhacay London
March 23, 2016 - Written by Berbera Today

ssa2 ssa4London(Berberatoday.com)-Shir lagaga hadlaayo Amaanka Madaraada Aduunka ayaa ka furmay Magaalada London ee Caasimada Dalka Brittan, shirkan oo ay ka qaybgaleen Madax ka socota 21 Wadan oo aduunka ah, ayaa waxaa ka mid ahaa Somaliland oo uu uga Qaybgalay Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil, halka ay 20 ka Wadanee kale, ka kala socdeen Africa , Asia, iyo Yurub.

Shirkan oo uu furay Wasiirka Gaadiidka ENGLAND (UK) MR ROBERT GOOD WILL, ayaa waxa uu socondoona mudo sadex Maamood ah, waxana diirada lagu saari doona Arimo ay ka mid yihin Amaanka Madaarada Aduunka iyo Diyaaradaha, Wasiirka Gaadiidka Brittan waxa uu halkaa ka soo jeediyey in kor loo qaado Amaanka Madaarada Aduunka isla mar ahaantaasna la muujiyo foojignaan dheeraad ah.ssa3

Intii uu socday waxaa halkaa lagu soo bandhigay warbixin laga diyaariyey Qaraxii Diyaaradda Daallo ee ka dhacay Wadanka Somaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho, sodoo kale waxaa iyana lagu soo bandhigay Warbixin laga diyaariyey
weererkii Karachi Pakistan, waxaana la isla qaadaadhigay sidii looga hortagi lahaa Weeraro noocan oo kale ah oo yimaada.

Talaabadan ayaa Guul weyan u noqan karta Somaliland Macluumaad badan oo xaga Amaanka ahna ay ka faaiidaysaa, Maadaama ay xogaha Wadaagayaan Dhamaan Masuuliyiinta ka kala socota Wadamadaas.

Dhinaca kale waxaa Maamulaha Madaarka Cigaal ku soo dhaweeyay markii uu gaadhay Wadanka Brittan Jahliyada Wadankaas ee Reer Somaliland.

ssa4

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews