berberatoday.com
Wasiirkii Madaxtooyada Oo Hadda Ku Sugan UK Si Uu U Meeleeyo Lacag Kaalmo Ah Oo Kuwait Ugu Deeqday Abaaraha
March 24, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa haatan ku sugan dalkan UK sii uu meeleeyo jeeg lacag ah oo ay dawladda Kuwait ugu deeqday in lagu kaalmeeyo dadka reer Somaliland ee ku tabaaloobay abaaraha ba’an ee dalka ka jira.Jeeggan oo ay ku qorantahay lacag lagu qiyaasay $20 milyan ayaa waxa Kuwait ka soo qaaday oo Ingiriiska la yimid wasiir Maxamuud Haashi si loogu shubo xisaabo isaga iyo xubno ka tirsan qoyska madaxtooyadu ku leeyihiin dibadaha.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa hadda ka jirta abaar xun oo nooceeda aan mudo dheer la arag iyadoo ay xoolihii ka baxeen tobanaan kun oo dadki xoolo dhaqatada  ahaa isla markàana ay jiraan dad harraad iyo macaluulba u dhintay.

 Madaxweyne Siilaanyo,xaaskiisa Aamina Waris iyo wiilka uu soddoga u yahay ee Baashe Cawil iyo afadiisa ayaa Jimcihii ka soo laabtay safar 4 maalmood ah oo ay ku tageen dalka Kuwait iyadoo  soo noqodkoodii ay wasiirka Maxamuud Xaashi ku kala baydheen magaalada Kuwait halkaasoo uu wasiirku uga soo ambabaxay dhinaca UK isagoo soo raacay diyaarad ay leedahay shirkadda Emerates oo uu waliba ka goostay tigidh business class ah oo ugu yaraan $7000 ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu  gaadhay Hargeysa warfidiyeenada u sheegay in ujeedada booqashadiisa Kuwait ay aheyd inuu Amiirka Kuwait uga mahadceliyo mashruucii lagu hagaajiyey madaarada Hargeysa iyo Berbera kaasoo hirgalintiisada haatan dhawr sanadood laga joogo isla markaana uu madaxweynuhu ka mahadceliyey booqasho hore oo uu Kuwait ku tagay sanadkii 2011.Hasayeeshee madaxweyne Siilaanyo meelna kuma soo hadalqaadin mucaawimadii loogu soo dhiibay shacbigiisa abaartu ku habsatay.

 

 

 

Source Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews