berberatoday.com
Agaasimihii Hore Ee Wasaaradda Kaluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil Xasan Oo La Sheegayo in Loo Magacaabo Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Saaxil
March 25, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Warar laga helayo xarunta madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo Qorsheeyey in xilka banaan ee badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil loo magacaabo Agaasimihii Hore ee wasaaradda kaluumaysiga iyo khyraadka badda Cabdiraxmaan Cawil Xasan xilka badhasaab ku xigeeka gobolka Saaxil,oo mudo dhaweyd Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday badhasaab ku xigeenkii hore oo lagu magacaabi jiray Xaamud,waxa hadaba xusid mudan in beesha gobolka Saaxil ee uu ka soo jeedo Cabdiraxmaan Cawil Xasan aysan wax xil ah ka hayn xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo.Hadii xilka badhasaab ku xigeenka loo magacaabo Cabdiraxmaan Cawil Xasan waxa la filaya in uu wax badan ku soo kordhin karo waxqabadka gobolka Saaxil,iyadoo ay xusid mudan tahay in Cabdiraxmaan Cawil Xasan ka mid yahay kaadiriinta xisbul xaakimka KULMIYE,weliba uu ku jiro xubnaha ugu dhaw dhaw murashaxa xisbigaasi ee MUUSE BIIXI CABDI,magacaabista la filayo in madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) u magacaabo xilka badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil agaasimahaasi hore ee wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdraxmaan Cawil Xasan ayaa waxa si weyn looga hadal hayaa gobolka Saaxil oo la isla dhex marayo sidii bulshada gobolku u soo dhaweyn lahayd xilka la filayo in dhawaan loo magacaabo Cabdiraxmaan Cawil Xasan.

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews