berberatoday.com
Musharrax Jamaal Oo Si Adag Uga Hadlay Su’llaadin Xabsiga Mandheer Ku Xidhan Maxkamad La’aan Laba Bilood iyo Cidda Uu Ku Xidhiidhiyey inay Ka Danbeysay
March 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay Sullaadin xukuumadda Somaliland xidhay, isla markaana muddo laba bilood ah aan cidi sharciga horgeyn, kuwaaso ku jira Xabsiga Mandheera ee Gobolka Saaxil. Sullaadintaas oo laga soo qabtay deegaanka Bariga hargeysa, kadib markii shaqaaqo ka dhacday deegaano lagu muransaa oo ay ka socotay Diiwaangelinta codbixiyaha, goobtaasoo lagu magacaabo Hadeyta kana tirsan degmada Lughaya. Musharrax Jamaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa yidhi.

“anigu waxaan rummeysa nahay ragga Sullaadinta ah ee xidh-xidhani Mawliid Sabeyso, Suldaan Sulub, caaqil Xoor iyo ragga kale waxa ay u xidhan yihiin Muuse Biixi iyo Ina Aw Siciid, taasan anigu rummeysana nahay, waxana cadeyn inoogu filan Muuse Biixi inta uu halka soo istaagay ayuu yidhi waa Danbiilayaal, qofku goorma ayuu danbiila noqdaa, danbiile waxa uu noqda marka Maxkamadii kusoo cadeyso, markhaatiga muusena waa mid subxaanale”.

Ayuu yidhi Jamaal cali Xuseen, waxanu intaa raaciyey. “rggaasi waxa ay u xidhan yihii Muuse Biixi iyo Ina Aw Siciid xaqdaro ayaanay ugu xidhan yihiin, laba biloodna Jeelka Mandheera ayay ku jiraan iyagoo aan sharciga la horkeenin, sharcigu haduu shaqeyn waayo Gacanta ayaa la iskula tagayaa, Sullaadintu waxa ay xaq u leedahay in lagu soo cadeeyo danbiga lagu haysto, maxkamad lagama geyn, in Muuse Bixii ka danbeeya waxa cadeyn igau filan inuu yidhi waa danbiilayaal, waxanu ka leeyahay arrin siyaasadeed, haday muuse Biixi kasoo hor jeedan maha in la xidho oo mandheero la geeyo, waa niman karaamo leh, waana ayaan darro somaliland maanta inagoo xilliga mareynaa in Saladinteeni ayar sidaa la iskaga xidho mandheero loo taxaabo, Mandheera waxa la geeya ragga Xukuman”.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews