berberatoday.com
Xog Rasmiya”Maayirka Burco Oo 50-kun Oo Waraaqaha Dhalashada Ah Qarsoodi Ku Bixiyey Diiwaangelinta Kahor
March 25, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Warar shabakadda Warar ee Berberatoday.com ka helayso ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in Maayirka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) uu si qarsoodi ah u bixiyey waraaqo ah kuwa dhalashada oo tiradooda lagu qiyaasay 50-kun xabbo, kuwaasoo sida la sheegay aan weli magacyo lagu qorin, balse Maayir Muraad u dhameystiray saxeexiisa iyo Shaanbadii golaha deegaanka Maagalada Burco.

Warqada dhalashada2

Warqadda ama shahaadooyinka dhalashada ayaa sida wararka lagu sheegay waxa hal mar si qarsoodi ah lagaga qaaday xarunta golaha deegaanka Burco, kaddibna waxa loo qaaday goobo cayiman oo sida lagu fasiray qorshaha Warqadaha la leeyahay loogu talo galay in kadhaadhka diiwaangelinta loogaga qaado caruur iyo dhalinyaro aan weli qaan gaadhin da’dii lagu codeynaayey, iyo sidoo kale, dad aan mu’waadiniin ahayn oo iyagu aan ka bixi karin su’aalaha cuqaashu ku weydiineyso goobaha diiwaangelintu ka socoto, hase-yeeshee marka ay sitaan warqadan oo magacyadoodii lagu soo buux-buuxiyey aan wax kale ciddina weydiineyn, marka shahaadada dhalaashada la arko.

Laba nuqul oo kamid warqadaha 50-ka kun ah ee shahadada dhalashada Burco laga bixiyey ah, oo shabakada wararka ee Berberatoday.com heshay, ayaa sida iluhu tibaaxen waxa bixintoodu daba socotay balaan qaadkii Maayir Muraadka Burco hore ugu sameeyey Gudoomiyaha Xisbul-xaakimka ahna musharaxa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ahaa inuu Maayir ahaan 50-kun oo cod u jeebkiisa ugu hayo, xisbiga Kulmiye marka Doorashada la gaadho.

Maayir Muraad oo aanu isku dayey inaanu wax ka weydiiyo arrimaha ayaanu suuro gelin, kadib Tilifoonkiisa gacanta oo dansanaa awgii.

Dhacdadan ayaa ah mid u baahan in gudida Doorashooyin ay baadhis xoogan ka galaan sii hadii ay cadaato arrintaasi waajibkii sharci ee ay lahayd loo marin lahaa Maayir Muraad, maadaama uu sameeyey ku tagri fal awoodeed oo qayrul sharci ah, waxana sida ugu dhibta yar ee raadka arrintan lagu heli karaa tahay in baadhis lagu sameeyo faylashada bixinta dhalashooyinka ee yaala xarunta dawladda hoose ee Burco, iyadoo la raacayo ama la eegayo Nomber-da tix-raaca u ah dhalashooyina ee is xigga, taa hadii Komishanka Doorashooyinku sameeyo, waxa si dhib yar loo oggaan karaa tirada intaa le’eg ee isku Nomber xigtaa iyo mudadii la bixiyey. Run ahaanna waa hawl u taala labada xisbi mucaarid iyo Koomishanka Doorashooyinka oo ay iyaga ku tahay waajib saaran.

Warqada dhalashada

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews