berberatoday.com
Akhriso Warbixin Taxane Ah: Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi Iyo Ka Ganacsiga Dakhliga Daroogadda Maafiyadda Talyaaniga Ee Ndrangheta Ee Biyaha Bedda Jibouti, Warbixin Daaha Ka Faydaysa Halku Aw Siciid Hantidiisa Ka Keenay
March 26, 2016 - Written by Berbera Today

Ma Ogtahay gacanta uu ku leeyahay maandooriyaha daroogadda ee maafiyadda u dhalatay Malta Iyo Talyaanigu Ku Iibiyaan Biyaha Bedda Cas, Ma Ogtahayse Sidii U U Hellay ogolaanshaha (License) ee shariikadda British Tobacco Company


Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxamed Aw Siciid Geedi waa ganacsade dhalasho ahaan u dhashay Somaliland balse deegaan ahaan degen dalka Jibouti, wuxuu ganacsigiisu kobcay intii u dhexaysay 1996 kii ilaa 2010 kii, wuxuu degenyahay dalka ingiriiska, wuxuuna xidhiidh la leeyahay qoyska madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle.
Qormooyinkani oo tani ugu horayso waxaanu ku eegi doona qaabkii uu Maxamed Aw Siciid Geedi usoo gallay ganacsiga dalalka Jibouti iyo Somaliland, siduu ku hantiyay malaayiin dollar, lacagaha ka soo galla Maxamed Aw Siciid Geedi maandooriyaha (Cocaine) loo yaqaano ee maafiyadda u dhalatay dalalka talyaaniga iyo Malta ay ku kala bedeshaan biyaha bedda cas ee u dhaw dalka Jibouti.

Mise ogtahay Maxamed Aw Siciid Geedi qaabkii uu ku hellay ogolaanshaha (contract license) ee shariikadda British American tobacco industry, isagoo ka ganacsada sigaarka loo yaqaano Royals, oo ah mid ka mid ah noocyada sigaaradda ay soo saarto shariikadda British American Tobacco, qormadani aynu ku horayno guud mar aynu ku samaynayno arrintani

 
Djiboutii, Maxamed Aw Siciid Iyo Maafiyadda Ndrangheta
Sannadkii 1998 kii markii Ismaaciil Cumar Geelle loo doortay xilka madaxtinimada dalka Jibouti ka hor, Maxamed Aw Siciid Geedi wuxuu ka mid ahaa xubno dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland balse deegaan ahaan degen dalka Jibouti oo si hoose ula shaqayn jiray Mr. Geelle, wakhtigii uu Geelle madaxda ka ahaa haayadda sirdoonka dalka Jibouti iyo xarunta madaxtooyada.
Ka horba intaanu madaxweyne Geelle tallada dalka Jibouti gacanta ku dhigin, wuxuu Mr. Aw Siciid ka mid ahaa gacan-yarayaasha Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana wakiil looga dhigay ganacsi uu Ismaaciil Cumar Geelle ku lahaa dalka Emirateka carabta.
Sannadkii 1998 kii, ayaa xidhiidhka madaxweyne Geelle iyo Maxamed Aw Siciid Geedi si fiican u bilaabmay, waxaana Maxamed Aw Siciid Geedi lagu darray koox uu Ismaaciil Cumar Geelle si gaar ah ugu shaqaysa ugana wakiil ah ganacsi dhinaca bedda cas ka socday.
Kooxda loo yaqaanoNdrangheta oo ah koox maafiya ah una dhalatay dalalka Talyaaniga iyo Malta, isla markaana xarumo ku leh jasiiradaha Cecelia iyo dalka Colombia, ayaa waxay biyaha bedda cas, gaar ahaana khadka kala qaybiya dalalka Yemen iyo Jibouti ee xiga dhinaca Jibouti ay ku kala bedeshaan daroogadda loo yaqaano (Cocaine).
Sida uu daabacay Wergeyska L’monde sannadkii 2001-dii, ganacsiga daroogadda bedda cas ee dalka Jibouti gacanta ku leeyahay ma bilaabmin, wakhtigii uu tallada dalka hayay Ismaaciil Cumar Geelle, balse waxay soo jirtay ilaa sannadkii 198kii, waxaana ku naf waayay sirta ama qarinta mashruucani xubno ay ka mid yahiin saraakiil ka tirsana ciidamadda Jibouti, golaha wasiiradda iyo xubno u shaqaynaayay baadhayaal u dhashay dalka faransiiska oo arrintani si hoose u baadhaayay, waxaana ka mid ah Maxamed Idiris Qaraf, waxaa la dilay sannadkii 1991-kii, Dr. Maxamed Yaasiin wuxuu ahaa dhakhtar cilmiga (Pharmacology) ama dawooyinka iyo baadhitaanadda kimikadda aqoon dheer u lahaa, wuxuu madax ka ahaa waaxda kimikadda ee wasaaradda caafimaadka, waxaa la dilay 2002 dii, ka dib markii uu warbixin u gudbiyay baadhiyaal u dhashay dalalka faransiiska iyo talyaaniga oo baadhayay arrinta.
Maxamed Aw Siciid Geedi Iyo Mashruuca Ndrangheta Mafia
Sannadkii 1997 kii ayaa Maxamed Aw Siciid Geedi, wuxuu Madaxweyne Geelle u magacaabay inuu wakiil uga noqdo mashruucaNdrangheta, waana halka ugu badan ee uu ka hellay Maxamed Aw Siciid hantidiisa, sida uu daabacay wergeyska Indian Ocean Newspaper, waxaa mashruuca kala bedelka daroogooyinka ee maafiyadda talyaaniga iyo Malta sannadkii uga soo xaroodda Ismaaciil Cumar Geelle lacag lagu qiyaasay 140 malyuun oo dollarka maraykanka ah, lacagtaasi waxaa lagu hoos qariya ganacsato iyo xubno ka mid ah qoyska madaxweynaha, waana kan liisku

General Zakaria: Taliyaha ciidanka militeryga dalka Jibouti qabiil ahaan waa beesha Mamasan ee Ciise waxay isku raas yahiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Col. Mahdi Sh Osman Taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo kuwa janadamareenka loo yaqaano waa xilkii uu hore u hayn jiray Ismaaciil Cumar Geelle wakhtigii Xasan Guuleed Abtidoon tallada hayay, waa mamaasan

Col. Abdi Kahin: Waa Taliyaha ciidanka asluubta iyo jeelasha dalka Jibouti waa mamaasan ciise oo ay is xigaan madaxweyne geelle

Sherdoon Abbas: Waa guddoomiyaha maxkamadda sare waa beesha Odax Gob ee ciise,

Col. Hassan Jama Waa Taliyaha ciidanka cirka dalka Jibouti, wuxuu qaba oo u dhaxday Ismaaciil Cumar Geelle walaashii

Mohamed Aw Saeed Geedi: Waa Qasnad haya mashruucaNdrangheta (mashruuca daroogadda ee biyaha bedda Jibouti), wuxuu hore uga tirsana kooxdii Ismaaciil Cumar Geelle wakhtigii uu ahaa madaxa madaxtooyada dalka Jibouti.

Jaamac Xayd: Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, wuxuu ahaa madaxii bangiga Jibouti, waxaanay walaalo yahiin marwada u dhaxday madaxweynaha Jibouti Khadra Xayd.

Qormadani Ta Xigta Waxaanu Ku Eegi Doona Sanduuq Xisaabeedyada La Dhigo Lacagaha Daroogooyinka, Sida Uu Maxamed Aw Siciid Geedi U Maamul Lacagahaasi, iyo weliba ganacsiga la geliyay, waxaanu idiin hayna liis dheer oo iskugu jira xawaalado, shakhsiyaad, ganacsato lagu dhex qariyay lacagaha daroogooyinka si aan loo helin salkooda.

 

Xigasho Halbeegnews, Hargeysa

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews