berberatoday.com
Hargeysa”Koox Shufto Ah Oo Weerar Ku Qaaday Guriga Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yasin Dhaawacyona Gaadhsiiyay Caruurta Gudoomiyaha
March 26, 2016 - Written by Berbera Today

Rooda Axmed yasinHareygsa(Berberatoday.com)-Gudoomiye Rooda Axmed Yaasin Oo Khadka Telefoonka Kulasoo Xidhiidhay Warbaahinta iyada oo Hargeysa sugan Ayaa Sheegtay In Xalay Gurigeedii Ay Magaalada Hargeysa Ka degantahay Ay Dablay Hubaysani Oo Aan Hayb Tooda Lagaranayn Soo Weerartay Taasi Oo Waxyeelo Gaadh Siisay Inan(Gabadh) Ay Hooyo Utahay ama ay dhashay Gudoomiye Marwo Rooda Axmed Yasin ,

Waxaana Ay Marwo Rooda Axmed Yasin Intaasi Kudartay In Ay Ragaasi Afka Duubnaayeen Xilga Ay Weerarka Kuqaadeen Guriga Ay Kadegantahay ee Magaalada Haregysa,

Waxaanay Dhawac ugeysteen kooxda shufatada ahi Inanta Ay Gudoomiye Marwo Rooda Axmed Yasin  dhashay markii ay falkaasi geysteena goobtii ka baxasadeen.

Waxaanay Marwo Rooda axmed Yasin Sheegtay In Ay U Adeegsadeen dhaawaca ay inanteeda Gaadhsiiyeen kooxda shuftada ahi Midi iyo budhadh .

Geesta Kale Waxa Ay Rooda Sheegtay In Dhowr Jeer Oo Hore Telefoono Looga Soo Hanjabay Oo Fariimo Hanjabaada Loo Soodiray Waxaana Ay Intaasi Raacisay Inay Saldhiga Berbera Gaysay Dacwada hanjabaadahaas iyo fariimaha looga soo diray Tilifoonkeeda gacanta.


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Marwo Rooda Axmed Yaasin Ayaa Badiba Ah Dadka Xaqudirirka Ah Ee Kahadla Hadba Xaaladaha Dhabta Ah Ee Jira guud ahaan dalka gaar ahaan Gobolka Saaxil.

Weerarkan lagu qaaday guriga gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil ka dagan tahay magaalada Hargeysa ayaa umuuqda mid qorshaysan oo ladoonaayay in lagu waxyeelo gudoomiyaha hase yeeshee fadhilmay kadibna caruurta Gudoomiyaha mid kamida oo inan(gabadh) ah waxyeelo la gaadhsiiyay.


Sikastaba Xaalku Ha,ahaadee Dhowaan Ay Ahayd Markii Goordanbe Oo Habeenimo Ah Gurigeeda Askari Ugu Daadatay Gudoomiyaha Ururka Heer Qaran Ee Now Marwo Saado Jaamac Aadan oo ilaa hada ku xidhan  xabsiga Hargeysa.

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews