berberatoday.com
Maxaad Kala Socotaa Ganacsiga Qarsoon Ee Maxamed Awsiciid
March 26, 2016 - Written by Berbera Today

Maxamed AwsiciidMaxamed Aw-siciid waa nin ka soo jeeda beesha Sacadmuse, wuxu ku dhashay Somaliland, balse Marwo Khadra xayd oo ay ilmaadeer yihiin ay siisay baasaboor jabuuti ah. Ganacsade Maxamed Aw-siciid wuxu haysta dhalashada dalka jabuuti.

Maxamed Aw-siciid ma cadda waxyaabaha uu ka ganacsado, laakiin xogo badani waxay sheegayaan in ganacsiga ugu weyni uu yahay makhaadaraadka ay ka mid yihiin Xashiishada, kooka’iinta iyo sigaarka Marlaboradda oo uu si qarsoodi ah mudo dheer u gelin jiray dalka Itoobiya. Halka uu Somaliland keeno sigaarka uu ka midka yahay Royalka.

Maxamed awsiciid waxa uu taageero weyn ka haystaa, saamiyo ganacsina ka dhexeeyaan shaqsiyaadka ugu awooda weyn labada xukuumadood ee Jabuuti iyo Somaliland. Maxamed Awsiciid wuxu labada wadanba ka haaystaa liisano sigaar soo dejin, balse ay ku hoos qarsoon yihiin ganacsiyo kale sida makhaadaraad uu mudo dheer si qarsoodi ah uga shaqaysan jiray.

laga soo bilambo 2010-kii wuxu bilaabay ka ganacsiga macdanta si qarsoodi ah uu u dhoofiyo, isagoo ka soo qaada dalka SLand, loona dhoofinayo dalka Jabuuti, haakaas oo lagu sii kala iibsado. Masuuliyiinta ugu waaweyn labada dawladood waay la ogyihiin.
taageero weyna wuu ka haystaa, sababta kaliftay in uu dhexgalo siyaasadda Somaliland waxa weeye,

1- dhaqaale badan oo jabuuti laga soo dhacay ayaa maxamed Aw siciid iyo Khadra Xayd aay ku maal gashadeen Hargeysa, Somaliland, waayo waxay u arkaan haddii ay dhacdo maamulka Ismaaciil Cumar Gelle in laga aarsan doono, Sidoo kalena waxay ku dagaalamayaan in ay siyaasadda Somaliland iyo ganacsiga ay gacmahooda ka bixin.

2- Wax jira qorshe khayraadka Somaliland ay kooxdani heshiis kula soo gashal dalka Jabuuti halkaana lagu kala dilaalo.

Maxamed Aw-siciid waxa boob iyo badheedhba lagu siiyay Somaliland Cable, oo dalka jabuuti laga soo jiiday losgaan qaaday dadkii hore ee dawladdii hore ee Dahir Riyaale siisay, waxa salami ku leh Khadra Xayd(Marwadda Ismaaciil O Gelle) iyo Amina Weris (Marwadda Siilanyo ee Somalilnd u talisa), dhamaan mashaariicaha waaweyn iyo lacagaha la luminayo Maxamed Aw-siciid baa meeleeyo.

..La soco qaybaha danbe ee ganacsiyada qarson ee M’ed Aw-siciid.

Qalinkii Abdi Jama Ali

https://www.facebook.com/CodkashacabkaaOD?fref=ufi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews