berberatoday.com
Xuutiyiinta Yemen iyo Isbaheysiga Sucuudiga oo Wada Gaadhay Heshiis Xabad joojin ah
March 26, 2016 - Written by Berbera Today

Yemen(Berberatoday.com)-Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta ee ka dagaalamaya Waddanka Yemen iyo Dowladda Sacuudiga, ayaa la sheegay in wada hadal horudhac ah oo ay yeesheen ku heshiiyeen in xabad joojin laga dhaqan geliyo dagaalka ka socda Waddanka Yemen.

Xabad joojintan ayaa lagu wadaa inay bilaabanto 10ka bisha soo socota ee April, waxaana sidoo kale xigi doona wada hadal dhexmari doona labada dhinac kaasi oo 18ka April ka bilaaban doona Waddanka Kuwait sida uu xaqiijiyey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Ismail Ould Cheikh Ahmed.

Xabad joojintan ayaa la sheegay in ay la mid noqon doonto tan laga hirgeliyey Waddanka Suuriya, sida waxaa isaguna sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry.

Dagaalka Yemen

Bilowgii bishan March ayey Sacuudiga iyo Xuuthiyiinta is dhaafsadeen Maxaabiis ay kala heysteen taasi oo bilow u noqday Wada hadal hoose oo ay ka qeyb qaadanayeen Oday dhaqameedka kasoo kala jeeda labada dal ee jaarka ah.

Marar badan baa la isku dayey in la dhaqan geliyo xabad joojin lagu hakiyo dagaalka culus ee ka socda Waddanka Yemen, balse inta badan isku daygaasi ayaa lagu fashilmay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews