berberatoday.com
Dawladda Oo Aamina Waris U Boobtay Jago Agoon SNM Ahi 24 Sanadood Deganeyd Oo Shacabka Hargeysa Ku Taala+Daawo sawirada
March 27, 2016 - Written by Berbera Today

IMG_20160327_131841Hargeysa(Berberatoday.com)-Khamiistii dhaweyd oo taariikhdu aheyd 24/3/2016 goor ay saacaddu aheyd 6:20 subaxnimo ayaa ciidan hubaysan oo wata cagafyo iyo iska-rogooyin oo ay hor kacayaan wasiirka Daakhiliga Cali Warancadde,taliyaha Bilayska Cabdillahi Fadal iyo maayarka  Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid waxay ku waabariisteen barxad ay qoys SNM ahi ay 24 sanadood deganaayeen oo ku dhaw gooladda kulmisa ama ay ku kala weecdaan wadada Shacabka iyo ta State House-ku.Wax ka yar 30 daqiiqo ayaa waxa digaan-digaha laga dhigay dukaan iyo hudheel yar oo wax laga cuni jiray iyo makhsin yar oo la seexdo.Sida sawirada halkan ku yaala ka muuqda, shilfad dhulka lagagama tagin oo burburkii dhismeyaashii cagafta la mariyey waxa lagu guray oo qaaday iska-rogooyinkii la soo diyaariyey.

 

Jagadan weerarku ku habsaday oo ku fadhida dhul balaciisu yahay 20×15M ayaa baryahanba waxa ku taamaysay in la baneeyo xaaska madaxweyne Siiraanyo ee Aamina Waris.Hadaba si loo jiho habaabiyo bulshada ku dhaqan Hargeysa ayaa waxa la sameeyey olole dadka loogu sawiray in dawladda Hoosee Hargeysa  hagaajinayso bilicda magaalada gaar ahaan wadada marta xaafadda Shacabka ilaa kaalinta Indho-birta.Hasa yeeshee sida hadda soo shaac baxday ujeedada dhabta ah ee arintan laga lahaa ayaa waxay noqotay sidii dhulkaasi marka la baneeyo ay Aamina Waris ula wareegi laheyd.

Dhulkan uu Aamina Waris damacu ka galay ayaa waxa uu ku yaalaa meel 30 talaabo wax ka yar u jirta guriga Axmad Siiraanyo ee Shacabka.Waxa kale oo la sheegay in Aamina Waris ay iibsatay guri ay dawladdu leedahay oo dhinaca galbeedkana ka xiga gurigeeda Shacabka dhinaca waqooyi galbeedna dhulka haatan la baneeyey iyadoo marka labadaas guri la isku furo ay Aamina Waris hantiyi doonto dhul lagu qiyaasay 3 baloog(30 baloodh).

Qoyskii agoonta ahaa ee deganaa jagada oo la yidhaahdo Ilma Axmed Geedi ayaan wax mag-dhaw ah laga siinin hantidii laga burburiyey iyo dhulkii laga qaaday toona.Shamis Axmed Geedi oo ka mid ah xubnaha qoyska la barakiciyey ayaa iyadoo murugaysan waxay sheegtay in si aadami-nimada ka baxsan loola dhaqmay.Iyadoo arintaas iyo waayahooda ka hadlaysana waxay tidhi :   “IMG_20160327_131819IMG_20160327_131924
Waxaanu nahay 6 hablood iyo hooyadood.Laba Mujaahid oo aanu walaalo aheyn mid waxa uu ku shahiiday halgankii kii kalena waxa uu dhintay markii dalka la soo galay.Aamini jaarnimo,SNM-nimo iyo dadnimo midna may xeerinin”.Source:Qarannews.comIMG_20160327_131937

 Xigasho Haatuf.net
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews