berberatoday.com
HADII AAD DOONAYSO INAAD CARARTO KABO AAN KAA DHACAYN XIDHO
March 27, 2016 - Written by Berbera Today

Tixraac Jamal Ali Hussein waa nin isku soo miidaamiyay siyaasada somaliland Gudoomiyihii Urur Siyaasadeedka Nasiye Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani) anigoo kamida aqoonyahanka gobolka saaxil isla markaana kamida isticmaalayaasha ama akhristayaasha sida joogtada ah ula socda siyaasada Local ka ah ee dalka gaar ahaan waxyaabaha lagu baahiyo Social Media ha sida Facebook ga Websites ka & Tv-yada waxaan akhriyay isla markaana dhegaystay jawaab & eedayn wada socda oo ninka magaciisu xaga sare ku qoranyahay uu suoo jeediyay Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbi-qaranka UCID Mr/Mudane/Aqoonyahan: Jamal Ali Hussein iyadoo aan ufahmay in (Nuxur-ka) ujeedadiisu ahayd waa Mr Talyaaniye inuu kajawaabo hadalo uu Mr Jamal ku duraayay ganacsade Mohamed Aw Siciid & Musharax Muuse Biixi hadaba sida aynu wada ognahay waa laga jawaabi karaa waana layska difaaci karaa eedayn ama dhaliil laguu soo jeediyay waana mid sax ah balse Mr Talyaani maaha kii isku deyi lahaa jawaabtan waayo hadii uu yahay siyaasi wuxuu soo saari lahaa Ururkiisii Nasiye isagoo weli sheeganaya Gudoomiyihii Nasiye malaa wuxuu hilmaamay in laga gudbay Ururo oo loo gudbay Xisbiyo (Islaantii Faruurayd ee odaygeeda oo ilko la cayday mxuu ugu jawaabay idinkaa sheegi ………………taas halkaas ayaan ku dhaafayaa, somalidu way xigmad badantahay waxaa laga hayaa (Riyo haday leeyihiin dib dabadooda ayay ku asturi lahaayeen) run ahaantii hadalka & qoraalka Mr Talyaani maaha mid xigmad wayni kujirto mana aha mid laysku mashquuliyo waxaan kaga tegayaa halkaas.

waxaan udhaafayaa Mr Mohamed Aw Siciid waa ganacsade laga yaqaano somaliland & Djbouti waana maalqabeenada wakhtigan dambe soo baxay waa nin dhalinyaro ah wuxuuse ku macaashay oo hantida ugu badan uu kahelay waa kala dilaalista dowlada & dadawaynaha gaar ahaan marka ay timaado xurgufo siyaasadeed sida cuqaasha & dowlada sulaadiinta & dowlada isagoo hantdiisa kubxiya sidii uu howshaas udhamayn lahaa balse marka dambe uu kharashkiisa ka qaato dowlada sidoo kale waa nin ka ganacsada waxyaabaha daroogada ah isagoo doonyo ku qaada una qaada dalka debediisa shixnado uu isagu ku sheego sigaar laakiin dabagal dheer ka dib la ogaaday inaanay ahayn shigaar ee ay tahay daroogo laga soo raro dhanka dalka ethopia sidoo kale waa dilaal ku mamay kuna ilbaxay kaganacsiga hantida qaranka isagoo wasiirada/agaasimayaasha/Mayors/Badhasaabada & Etc marba ukeena gaadhi qaali ah isla markaana dalkan aan nahay jaarka ee Djbouti uga soo qaada baasaboor isagoo kusheegaya wiil u shaqeeya shirkadiisa MSG kadibana kaqaata lacag khayrul caadi ah isna halkaas aan kaga tago

Muuse Biixi: waa kornayl kamida saraakiishaii wadanka kaqabsatay gumaystihii faqash waa halgamaa waa geesi waa aqoonyahan intaasba udaa dhanka kale waa Cuqdadaawi, waa jaahil, waa bilaa kalsooni, waa quudhi waa waa kelidii taliye Muuse Biixi waxaan uga soo joogay waxyaabo badan muuse maaha nin qaban kara xil madaxwayne waana ninka ay kusoo baxday kelmada (iga-reeba) ilaa uusoo gaadhsiiyay waar suldaankana iga reeba dee waana sheekadii ugu yaabka badnayd isagoo aan eeginba aan qiimaynba miisaanka Suldaanku leeyahay ayuu iska yidhi waan bedelayaa (waar ma wuxuu mooday gudidiisii fulinta ee kulmiye) miyaanu ogayn suldaanku inuu xukumo umad ama qoomiyad dhan oo degan/joogta somaliland East and West oo ilaashanaya madax dhaqamoodkooda, waxaana muuse gabalkii dhacay maalintii uu arintaas isku da,ay waxaanan idiin sheegayaa oo aan usheegayaa Muuse maanta taageeradii uu haystay 70% ayay hoos u dhacday oo aan ahayn been, waxaba yaanan ku tuman muuse ee waxaan leeyahay adeer hargeisa waxaad ku leedahay 6-Fooq oo aanay ku lahayn ragii kaaga tacabka badnaa tan (somaliland) ee kiradu kugu filane iska haniyee kurisiga

Jamaal Cali Xuseen waxaan leeyahay ilaahay ayaa bixiya karaamada & madaxtinimada somaliland kumay aqoon marka laga reebo aabahaa oo ahaa xoreeyihii 1aad ee dalkan laakiin waxaa ku caawinaaya oo ku dhanac socda Credibility aad leedahay oo aan cidina kaa qaadi karin oo ah (Maxay) 1.aabahaa oo ahaa ninkii xoreeyay dalkan waa qodob 2.adigoo ah aqoonyahan dalkiisa wax usoo bartay oo daacad ah 3.umada aad taageerto gaar ahaan ardayda schools-ka & jaamacadaha oo aanad ukala eegin qabiil/qows/qolo & Etc 4.xaasidk & Cadaawaha oo kugu badan balse wax kuugu kordha mooyaane aanay waxba kaaga yaraanayn 5.hadalkaaga odhaahdaada oo aanay kujirin wax been ahi ama aanay kujirin wax iska hor imaad ahi (micnaha hadalkii aad hadeer lahayd aanad odhanayn mid ku agais ah hadana) taasoo ah astaamaha ku badan kuwa hada isku sheega siyaasiga dalka sida kuwa isu haysta inay ugu horeeyaan waa Muuse & dhigiisa,e waana ninka maalina yidhi (dalka haloo daba fadhiisto Sulaadiinta ee hadana yidhi suldaanku ma aayad quraanaa) waar markeebaad waalantahay labad jeer ma marka hore mise marka dambe SI KATSBA HA AHAATEE waxaan leeyahay Jamaal waxaan kugula dardaarmayaa inaanad u bixin una didin dadkan Low Glass ka ah ee Siyaasada fashilan adeegsanaya howshaadana aad wadato waxaanan kuu rajaynayaa Guul (Madidee hargoolow hay tumin durmaanada & daasada madhan)
By Ina Ina Qaraashe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews