berberatoday.com
Cali Warancadde Oo Jabiyay Sharciga Wado Marista Duhur Cadna Dhaafay Ishaaradii Wadada Shacabka Oo Cas
March 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cali Warancadde ayaa duhurnimadii maanta si badheedh ugu xadgudbay sharciga wada-marista markii gaadhi uu isagu watay ku dhaafay ishaarada wadada Shacabka ee kala hagta gaadiidka hormara wasaaradda Khaarajiga ee u socda dhinaca madaxtooyada iyo kuwa ka yimaadda ama u leexda dhinacyada Tubotaariyada iyo wasaaradda Daakhiliga iyadoo ay xiligaasi ishaaraddu caseyd gaadiid farabadanina halkaasi taagnaa.Gaadhiga wasiirka oo ka yimid dhinaca wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa iska wada dhaafay oo waliba dhinaca midigta ka maray gaadiidkii ishaaradda hor tubnaa ee safka ku jiray iyadoo uu gaadhiga wasiirka uu horkacayey baabuur ay bilaysku leeyihiin.

 

Kaaga darane wasiirku markii uu duhurka cad baasha ka dhaafayey gaadiidkii sharciga u hogaansanaa ee ishaaradda taagnaa ayaa waxa uu hoos u dajiyey muraayadihii gaadhigiisa isagoo xidhnaa koofiyad weyn oo nooca Cow Boy-ga ah.

Dadkii watay baabuurtii ishaaradda tubneyd ayaa mar kaliya ku wada ooriyey Mr Warancadde intii aanu gaadhigii  siday u leexan dhinaca madaxtooyada.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews