berberatoday.com
Fanaanniin Soomaaliyeed Oo Nayroobi Ku Mu’aamaradeeyey Xubno Ka Tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska
March 29, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Magacyada Fannaaniin Ka Tirsan  Xiddigaha Geeska Oo Lagu Xidhay Madaarka Magaalada Nairobi

Nairobi(Beberatoday.com) – Saddex Fannaaniinta ka tirsan Kooxda Fanka Xiddigaha Geeska ee xaruntooda guud tahay magaalada Hargeysa, ayaa Sabtidii toddobaadkan  lagu xidhay Garoonka Diyaaradaha magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya.

Fannaaniintan lagu xidhay Nairobi, ayaa kala ah Yurub Maxamed Cabdi (Geenyo), Mursal Muuse Cumar, iyo Hodan Cabdiraxmaan , ayaa  sida ay berberanews.com oo aanu warkan kasoo xiganay baahisay lagu xidhay Madaarka Nayroobi xilli ay ka soo kicitimeen wadanka Jabuuti.

 

FANNAANIIN-KA-TIRSAN-XIDDIGAHA-GEESKA

Ma jiro war faahfaahsan oo dawladda Kenya ka soo saareen xadhigga fannaaniintan, waxaase,   shebekadda Berberanews.com xadhigooda ku sheegtay in ay   ka dambeeyeen fannaaniin Somali ah oo ku sugan Kenya, kuwaasoo wanjalay fannaaniinta Xiddigaha Geeska.

Inkasta oo ay jiraan, warar kale oo iyagana aanu ka helayno isla Caasimadda Kenya ee Nairobi ay sheegayaan in xadhiggeeda ay qayb ka ahaayeen Fannaaniin ku sugan Nairobi, haddana ma jiro war rasmi ah oo caddaynaya tibaaxdaas eedaynaysa Fannaaniinta jooga Nairobi qaarkood.

Fannaaniintan la xidhay ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Dalka Djibouti, halkaasoo ay Sabtidii Maanta uga Dhoofeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo lagu xidhay markii ay ka dageen Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ee Nairobi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews