berberatoday.com
Faysalow Sharciga iyo Shuurdi Aabaha ka Wayn
March 29, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Marka hore, salaam sharaf badan ayaan u diriyaaa dhamaan bulshada Somaliland gudaha iyo debadab meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan bahda saxaafada iyo garyaqanada Somaliland.

Tan iyo markii la aasaasay hanaanka asxaabta siyaasadeed ee Somaliland bilowgii 2001, Xisbiga UCID waxa uu ka mid noqday sadaxda xisbi qaran ee u tartama mansabka ugu sareeya Somaliland, Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu ahaa gudoomiye iyo musharax laba teeram kuna guuldaraystay in uu noqodo xisbil xaakim xitaa ka galay labadii jeerba kaalinta sadaxaad, oo ay ugu wacnayd siyaasada Gudoomiyaha Faysal oo noqotay mid aan ku qotomin adkaysi yo haladeeg hadaf kaasi ay dadwaynaha Somaliland sabab ugu dhigeen in uu yeelan waayay Xisbiga gaar ahaan Gudoomiyaha mabaadii loogu soo hagaago, iyada oo la ogaa in uu maalina uu raaci jiray siyaasada Xisbiga Kulmiye maalina uu raaci jiray siyaasdad Xisbiga UDUB.

Sida aynu la wada socono , kaadiriintii xisibga UCID waxa ay soo jeediyeen sanadii 2011 in uu ka fadhiisto Gudoomiye Faysal maadaama uu ku guuldaraystay laba jeer, iyaga oo doonayay in ay xisbiga dib u habayn iyo rajo soo geliyaan, kadibna uu ganafka ku dhuftay Faysal si uu wali u ahaado dhibaatada Xisbiga UCID iyo Somaliland.

Sida aynu ula socono, sanadii 2012 waxaa uu Madaxwayne Axmed Siilanyo dabarka ka furay in xisbiyada dib loogu tartamo, taasi oo saaxadii ka saraatay Xisbiga UDUB, islamarkana ku abuurtay walwal Gudoomiye Faysal, waayo dhamaan kaadariinta xisbigii UCID waxa ay ka huluuleen xisbiga UCID kadib markii laga furfuri kari wayay Faysal Cali Waraabe.

Sidii aad la wada socoteen, Gudoomiye Faysal waxaa uu hishiis cad la galay Jamaal Cali xuseen, hishiiskaasi waxaa uu ka koobnaa qodobo muhiim ah oo ay mid tahay in xisbiga loo qaybiyo laba qaybood , Hogaanka Xisbia iyo Musharaxiinta Xisbiga si loo badbaadiyo, Xisbiga aqoonayahnadii musharaxiinta in ay geliyeen xoogoodo iyo muruqoodaba waxaa ka marqaati ah dhamaan dadwaynaha Somaliland gaar ahaan bahda saxaafada iyaga oo hayaa recordkii ay ka duubeen doorashadii 2012.

Hadaba, waxaa iyana marag madoonta ah in uu Faysal dabada hayay xisbigii ilaa intii uu helay liisanka xisbi qaran, issaga oo u jeedadiisu ahayd in uu mar kale ku qabsado aqoonyahandada, hadaba hadii uu doonayay in uu tartamo faysal waxa ay ahayd in aan la qaban shirkii golaha dhexe ee 28 .10 2012. Ama uu tartanka halkaa ka galo, bal isaga ayaa ahaa xubintii u codaysay Jamaal in uu noqodo musharaxa xisbiga.

Faysal cali waraabo iska daayoo xisbigiisa waxa uu hagaradaamo ku yahay Somaliland , bal u fiirso, waxaa uu ku hadlayo shalaydii u dambaysay waxa uu lahaa Somaliland madhaafsiisana Airportka . Q

oo uu gudoomiye Faysal ahaa ruuxii sababay guuladarada labada jeer, islamarkaana qurux iyo sharaf u mudnayd in uu ka hadho xilka gudoomiynimada iyo musharaxa maadama uu carara laba jeer kuna guul daraysatay ayaa horta u baahan in la qiimeeyo.

Hadii aan dulcoda u soo noqod mowduuca, waxaa jirtay in xukuumada Axmed Siilanyo fasxaday in la furo asxaabta maadama laga f

– Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye- Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye.

Hadaba, waxaa cad in uu iibsaday Faysal Xisbigii , islamarkaana uu ka iibiyay Mujaahid Muuse Biixi iyo Siilanyo , sidaas darted waxaa nala gudboon dhamaan taageerayaasha xisbiga in ay kacdoon samayaan oo ay gudo iyo debadaba lagaga mudaaharaado boobkaa cad iyo xadgub sharci uu ku tumanaya Xisbiga Ucid.

Mahada Allah iskaa leh

Hassan Ahmed
LLM ( Master of Law) SOAS University of London
UCID supporter and Community advocacy
Hassan.caafi@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews