berberatoday.com
Guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan Gaal Ma Waxa Uu Caafimaadaa Marka Siilaanyo Korarsiimo Xileed Doonayo? Illeen Inta Kale Waka Xaalad Caafimaad-daro Awgeed Dalka Dibadiisa Ugu Maqane: Cajiib:
March 29, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan Gaal Ma Waxa Uu Caafimaadaa Marka  Siilaanyo Korarsiimo Xileed Doonayo? Illeen Inta Kale Waka Xaalad Caafimaad-daro  Awgeed Dalka Dibadiisa Ugu Maqane: Cajiib:

 CUKAASHE

 

Waxaan maanta  doonayaa in aan ka yar hadlo Shirkan maanta oo ay taariikhdu tahay 28/03/2016 ka dhacay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee looga arrinsanayay Diiwaangalinta, shirkan waxa isugu yimi madaxda Qaranka Somaliland oo ay ka mid yihiin Hogaamiyayaasha Xisbiyadda Qaranka. Waxyaabaha looga hadlayayna waxa ka mid ah in Diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashada dib loo dhigo, iyadoo lagu nasbaynayo Abaaro baahsan oo dalka ka dhacay.

Hadaba, anigu shiqsiyan dhibaato uma arko hadii iyadoo loo danaynayo shacabka danyarta ah ee abaaruhu  aafeeyeen in dib loo dhigo diiwaangalinta. Waa hadii arrintaasi daacad laga yahay  oo aysan siyaasadaysnayn.

Laakiin aniga waxa shaki weyn igaliyay waxaan arkay muuqiisa ninkii odayga ahaa ee Guddoomiyaha Golaha Guurtida mudane Saleebaan Gaal  oo inta badan aynu aragno Marka korarsiimo xileed ay jirto ama Siilaanyo  kursigiisa uu cidhiidhi siyaasadeed galo.  markaasu Saleebaan hiil qabiilaysan la soo cararaa inta kale Saleebaan gaal xanuun buu u jifaa Dalka Ingiriiska. Lakiin wuxu caafimaadaa oo sariirta ka soo kacaa marka korarsiimo xileed xukuumada Siilaanyo doonayso. Runtiina waa arrin cajiib ah,  qof masuul ah oo shaqadii qaranka kaga maqan xanuun sanado badan, Iyadoo booska uu hayaa muhiim u yahay Nabadgalyada iyo Khilaafaadka Beelaha iyo Siyaasada Dalka Somaliland.

Waxa aynu  u baahanahay  in aynu is waydiinu arrintan dib u dhigista Diiwaangalinta ee lagu nisbeeyay Abaaraha miyay siyaasadaysan tahay mise waa arrin Dowladu daacad ka tahay?. Aniga fikirkayga shiqsiga ah waxay illa tahay in ay siyaasadaysan tahay, sababtoo ah Gobolka Abaarta ugu ba anni ka jirtay ee Gobolka Awdal  diiwaangalinta waa laga qabtay cidina uma joojin, Gobolada Saaxil iyo Togdheer  oo iyagana Abaari ka jirtay way ka qabsoontay Diiwaangalintu, maxa sababay in maanta la joojiyo. Run ahaantii waa arrin shaki muujinaysa.

 

Dhaqaalihii loo guray Abaaraha ama ay noogu deeqeen Dowladaha Carabta waxa cad in  aan sidii loo baahnaa loo gaadhsiin bulshaweyntii abaaruhu aafeeyeen. Waxa suuqyada Hargeysa lagu arkayay raashinkii Dowladaha Carabtu ugu deeqeen dadka  abaaruhu ku dhufteen. Taasina waa masuuliyad daro ka muuqata Xukuumada Madaxweynaha ku-meelgaadhka ah mudane Siilaanyo hogaamiyo. Xukuumada waxanu leenahay Illaahay ka baqa, canshuurtii umadan ayaa idinku maqan oo aad lunsateen. Dadkii abaarahana waxii yaraa ee Dowladaha Islaamku ugu deqeen baad ku darsateen. Anigu garanmaayo meesha aad Aaqiro la idingayndoono.

 

 

Mr.  Abdulqadir Mohamed  (Cukaashe)

UK

warfaa_101@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews