berberatoday.com
Isku Ra’ranta Shuraakada ku ah Burburinta Xisbiga Ucid oo Ku Mashquulsan Abaabulka Kooxo Waji Ku Macaash ah oo Aflagaadeeya Musharraxa Xisbiga Ucid Jamaal iyo Gadood Shacab oo la Filayo Inuu Abuuro
March 29, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Huwanta isku raranta  ah ee shuraakadda ku ah, shirqoolka lagu burburinaayo xisbiga Ucid ee fulintiisa loo adeegsanaayo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa sacaadihii u danbeeyey caawa ila xalay suuqyada gobollada dalka ka raadinaayey shaqsiyaad waji ku macaash ah oo ku hadla teetalo been ah, iyo sidoo kale, inay kamid yihiin xisbiga Ucid.

Kuwaasoo qorshahoodu yahay inay aflagaadeeyan Musharraxa Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal cali Xuseen, isla markaana taageero Indho sarcaad ah oo ay ku taageerayaan Gudoomiyaha fashilka ah ee Xisbiga Ucid Faysal cali Warabe warbaahinta lasoo fadhiistan.

Sidoo kale, shaqsiyaadka hawshan dhaqaalaha ku bixinaaya ayaa sida wararku sheegen waxa kamid ah, Gudomiyaha xisbiga Kulmiye iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo uu weheliyo ganacsade Maxamed Aw Siciid, oo isna kamid ah xubnaha doorka weyn ka ciyaaraya dagaalka qaawan ee lagu hayo Musharraxa da’da yar ee xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen.

Xisbiga Ucid ayaa hadda u khilaaf ba’aani ka dhex taagan yahay, kaddib markii Gudoomiyaha xisbigaasi, qandaraas kusoo qaatay burburinta xisbiga, isla markaana madmadow iyo tashuush ku furay musharraxii mudada afarta sanno ahayd xisbiga ka sharaxnaa, sidoo kalena xiligii laga hayaamay isagu usoo gurmaday. Talaabooyinka dhicisnimada ah ayaa la filaya inay horseedan mudahaaraadyo lagaga soo horjeedo burburinta xisbiga Ucid, kuwaasoo dadweynuhu ku bartilmaameedsan doonaan, xaruumaha xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale, goobaha gaanacsi ee maxamed Aw Siciid  iyo weliba Gudoomiyaha ku asqoobay Siyaasadda ee Faysal Cali waraabe.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews