berberatoday.com
Moorgan 2 Waa Wiilka Labaad Ee Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay Oo Doonaya Inuu Afka U Dhigto 5 $ Milyan Oo Dollar Sanduuqa Horumarinta Somaliland U Qoondeeyey Cusbitaalada Ceerigaabo Iyo Laascaanod
March 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wiil uu madaxweyne Siiraanyo soddog u yahay oo la yidhaahdo Muuse Xasan Yusuf (Moorgan 2) ayaa damacsan inuu afka u dhigto mashruuc loogu talo-galay in kor loogu qaado tayada iyo tirada adeegyada caafimaad ee gobolada Sool iyo Sanaag gaar ahaanna Cusbitaalka Ceergaabo.Mashruucan oo uu maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland(Somaliland Development Fund) ayaa waxay madaxtooyada Somaliland qalqaalinaysa in la siiyo wiilkan oo muddo sanad ka hor ah ka soo guuray dalka Ingiriiska.

Mr Muuse Xasan Yuusuf ayaa si jujuub ah ula wareegay maamulkii hayad samofal(NGO) ah oo la odhan jiray Shifaat oo ay dibadaha ku aasaaseen dad asal ahaan ka soo kala jeeda Somaliland iyo UK si ay wax uga qabto baahiyaha caafimaad ee ka jira cusbitaalka Ceerigaabo.Mr Muuse Xasan oo xubin ka ahaa board-ka hayadda Shifaat ayaa ka dib markii uu la xididay madaxtooyada waxay xubnihii kale ee board-ka ku jiray  ay ka codsadeen inuu iska casilo xubinnimada board-ka maa daama uu noqday shakhsiyad saameyn siyaasadeed leh oo xubinnimadiisu ay shaki galin karto in hayadda Shifaat ka madaxbanaan tahay siyaasadda iyo in kale taasoo hadii ay timaaddo ay haýaddu ku waayi karto kaalmadii ay ka heli laheyd deeqbixiyeyaasha.Hasayeeshee codsigaasi waxa uu u qudhquudhsami waayey wiilkan la xididka ah madaxweynaha dalka isagoo halkii uu iska casili lahaa xubinnimada board-ka uu soo jeediyey in hayadda laga iibiyo taasoo uu board-kii ka diiday isla markaana ay Muuse u sheegeen in soo-jeedintiisu aanay suurtogal aheyn oo aanu iibsan karin hayad samofal ah.Markay sheekadu halkaas marayso Muuse Xasan isagoo adeegsanaya awoodii madaxtooyada dalka waxa uu khasab kula wareegay hayaddi Shifaat taasoo keentay in xubnihii kale ee board-ka oo ay ku jiren maalqabeeno reer Somaliland ah iyo kuwa Ingirboariis ahiba  ay iska casilaan xubinnimadii hogaanka sare hayaddaasi.

 

Inkastoo aan wali laga warqabin halkay ku dambeysay lacag kor u dhaafaysay nus malyuun doolar oo ay hayaddu haysatay markii faraha looga qaaday Muuse, hadana si wiilkan loo naasnuujiyo waxay xukuumaddu ula xidhiidhay oo ay lacag uga dalbatay hayadda Unicef ee qaabilsan daryeelka caruurta taasoo ay isku seegeen Unicef iyo xukuumaddu ka dib markii ay Unicef oo saluugsan samafal-nimada Shifaat ay diiday inay maalgaliso mashaariicdii ay Shifaat ka dalbatay.

Xafiiska Sanduuqa SDF u qaabilsan mashaariicda oo aanu la xidhiidhnay ayaan ka soo jawaabin qoraal aanu wax kaga weydiinay arimaha kor ku xusan.

 

 

Xigasho Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews