berberatoday.com
Salaad Shukrida Faysal Cali Waraabe!-Qalinkii, Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
March 29, 2016 - Written by Berbera Today

Dharaarihii carcarta doorashada madaxtinnimo ee Soomaaliland taagnaa 2010-kii baa Faysal maalin Banka Wajaale qudbad murrashax isu-taagay.Waa magaalo xuduudeedda Wajaale qorrax kasoo baxeeda iyo meel mahwiya iyo Faysal iyo dadka reer Wajaale.Galin hore ayay ahayd illaa kow iyo tobankii.Inta aan ka xasuusto Faysal Cali Waraabe maalintaas dadka reer Wajaale waxu u sheegay laba arrimood oo midi waxqabadkiisa iyo mid iska ahaa duun u hadalkiisa!
Faysal waxu yidhi:”Walaalleyaal Banka Wajaale waa la hagraday,haddaannu UCID nahay waxbaanu ka qabanaynaa bankan”!Mooyi sida uu Faysal Banka la damacsanaa!Aniga laftirkaygu hoos waan isku weydiiyey Faysal Banka Wajaale miyuu qodayaa mise…?
Banka haddii la qodo se sidu u-ekaanayo ma isweydiinba!

Ammintaas dadkii wejiga Faysal Cali Waraabe arkayey ma ahayn oo dad baa cimidhsnaa,ereygiisa ayaa se ii soo dhexmarayey mikrafoono meelo durugsan codka ku lalinaya.
Fiidkiina Faysal oo wejiga aad uga dhididsan iyo hangoolkiisii ayaan warbaahinta la iska arko ka daawaday :”Walaalleyaal haddaad na doorataan …”.
Waxa iyana xasuusteeda lahayd,duhurnimadii masaajid badhtamaha Wajaale ku yaalla anigoo ku tukanaya in wadaad aan iimaamkii ahayni codbaahiyihii masjidka holladay!Waxa igu soo dhacday waa waano iyo wacdi ee sugo.Saa Faysal Cali Waraabe ayuu iska maagay!Kuye,”Ma ninka dumarkeennii oo qaawan bannaanka wajaale tumay baa wax inoo qabanaya”!
Dumarkaa qaaqaawani hadda maanta bankii Wajaale iiga ma muuqan ee sidee wadaadku wax u wadaa is idhi! Salaad Shukri Faysal kaa tukay dheh!
Waxa iyana taas ka daba timid salaaddii maqrib iyo isla masaajidkii in Faysal la ga raalligeliyey.

Banka weyn ee Wajaale Faysal Cali Waraabe waxu kale oo uu ka ga baanay in xisbiga Ucid markii labaad u gartay in isagu ka tartammo.Sida la sheego amma ay tahay na dastuurka Soomaaliland waxu qabaa in xisbiyada qaranka qofkii ba laba jeer xaq u leeyahay inuu iska sharraxo.
Ma dastuurka Soomaaliland sida uu qabo mise golaha dhexe?Amma si kale:Ma xeerka warqadda ku yaalla mise qof iyo qofaf?
Waa inahaas iyo salaad shukrida Faysal Cali Waraabe tukado waxa aynnu halkan ku haynaa!
Faysal iyo Salaad shukridiisu ha inoo dambeysee,horta xisbiyada Soomaaliland amma Soomaaliland oo dhan xeerka ma loo hoggaansan yahay?
Haddii weydiintaasi “Haa” la yidhaahdo waxa la ga been sheegayaa warka Hargeysa yaalla ee runta ah.Axmed-Siilaanyo ummaddu shan sannadood bay dooratay ee muxuu ku fadhiyaa? Baarlamaanka Cirro kowda ka yahay sabab ma ayuu toban sannadood iyo dheeri uu kuraasta u dangiigaa?
Waxa iyana lays weydiin karaa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ma xeer baa soo doortay mise qofaf damacood buu ku yimid?

Haddii sharcigu yahay qofafka ee aanu ahayn nidaam maalinle ka dhaqan gala xafiisyada dalka Faysal Cali Waraabe mar saddexaad iyo mar afaraad ba waa sharraxan yahay.
Bishii Oktoobar ee sannadkii 2012-kii saw xisbiga Ucid Jamaal uma dooran inuu u cumaamadan yahay doorashada?
Jamaal dadkii doortay iyo kuwii Faysal doortay labada jeer maxay ku kala duwan yihiin?Mise Faysal baa iminka Salaad Shukri ka tukaday Jamaal, markaasna u tukaday Jamaal?
Horta isku soo wada duuboo Xisbiga Ucid saw Faysal,Jamaal iyo Cali-Gurey uun ma ahan?
Ma cid baa hadhay saw Faysal dadkii ba xataa Jamaal Salaad shukri kama tukan?
Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
dheellitire@hotmail.com
27.03.2016

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews